Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dalka Ka Dhoofay

0
Dr Cirro Oo Ka Hadlay Madaxtooyada Cusub

Hargeysa (Sayruuq) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa socdaal ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Dr Cirro oo dorraad ka dhoofay Somaliland war rasmi ah kama soo bixin safarkiisa laakiin, xogaha laga helayo ayaa sheegaya in uu ku saabsan yahay nasasho iyo arrimo shakhsi ah.

Dr Cabdiraxmaan Cirro oo loolan xasaasiya ku soo jiray muddadii uu musharraxa ahaa ayaa la filaya in uu halkaasi nasasho u tagay lamana oga in uu soo laaban doono ka hor xafladda xilwareejinta ee 14 November. Madaxweynaha la doortay ayaa la sheegay in uu danaynayo kulan uu la qaato Dr Cabdiraxmaan Cirro ka hor inta aanu xilka la wareegin laakiin, Cabdiraxmaan Cirro waxa bulshada ugu dambeysay 21-kii bishii hore markii uu aqbalay natiijada doorashada.

Asxaabta mucaaradka ayaa indhaha ku haysa dawladda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi. Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay kula macaamili doonaan Xukumadda Muuse hadba sida ay wax ku ool u noqoto iyada oo la filayo in mucaaradad adag ay kala hor taggaan xukumadda cusub oo dhawr xilli doorasho sugayaan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.