Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Hargeysa Ku Kulmay

0

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ioyo hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa. ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka labada masuul oo ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo la sugayo dhismaha dawladda cusub ee Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Dr Cali Khaliif ayaa hore ula kulmay Madaxweynaha la doortay oo la filayo in uu kala hadlay ajandeyaashiisa ku saabsan sidii bulshada gobollada barigu uga mid noqon lahayd Somaliland. Cali Khaliif ayaa xukumadda Kulmiye heshiisyo la gaadhay laakiin, gobollada bariga ayaa codkooda siiyay xisbiga Waddani ee Dr Cabdiraxmaan Cirro hoggaamiyo.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.