Dr Abiy Axmed Oo Shaaciyay Mushaharkiisa

0
Dr Abiy Axmed Oo Shaaciyay Mushaharkiisa

Dr Abiy Axmed Oo Shaaciyay Mushaharkiisa
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uu mushahar yar ku shaqeeyo bishii.waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu noqdo nin qani ah oo musuqmaasuq sameeya laakiin, uu xiisaynayo in uu dalkiisa isbedel ku keeno.

“Waxa aan shaqeeya todobaadka oo dhan waxaanan bishii mushahar u qaata saddex boqol oo dollar ($300). Anigu kuma taajirayo musuqmaasuq laakiin, waxaan danaynaya in aan isbedel sameeyo,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Dr Abiy Axmed waxa uu sheegay in uu doonayo isbedel dhaqaale iyo siyaasadeed oo dalkiisa ka hirgala. Waxa uu si gaar ah tafaasiil uga bixiay hammigiisa ah in uu dimuqraadiyad ka hirgeliyo dalkiisa si loo doorto madaxda, islamarkaana xorriyad loo helo.

Waxa uu sheegay in isaga ay ra’isal wasaare ka dhigeen xubno kooban oo xisbiga talada haya ah halka dadka dalkiisu yihiin boqol milyan, islamarkaana uu doonayo in rabitaanka boqolkaas lagu yimaaddo kursiga.

Halkan ka akhriso warbixinta Dr Abiy ee Sayruuq soo xigatay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.