Dr Abiy Axmed Oo Martiqaaday Madaxweyne Biixi

0
Xogo Ku Saabsan Socdaalka Madaxweyne Biixi

Dr Abiy Axmed Oo Martiqaaday Madaxweyne Biixi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ah u safraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Biixi ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, sida ay ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen suxufi Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan Goobjoog TV.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.

Dr Abiy Axmed ayaa xuddun u ah isbedelka ka dhacay Geeska Afrika waxaana tan iyo markii uu xilka qabtay loo arkayay in uu hoos u dhigay xidhiidhka Somaliland laakiin, martiqaadkiisa ayaa imanaya iyada oo isbedelka gobolku saameeyay xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya.
Somaliland Oo Ka Hadashay Xiisadda Kenya & Somalia
Soomaaliya ayaa joojisay qaadka uga imanaya Kenya, islamarkaana soo daynaysa qaadka Itoobiya. Somaliland ayaa indhaha ku haysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho iyo Nairobi iyaga oo laga yaabo in dano siyaasadeed awgeed Kenya soo dhawaysan karto Somaliland taasna uu ka hor dhacayo Dr Abiy oo ah mashiinka hagaya siyaasadda Muqdisho, Addis iyo Asmara.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.