Dp World Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World

0
DP World Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dekeda Berbera

Dp World Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World

Shirkadda Saamiga ugu badan leh maamulka dekedda Berbera ee Dp World ayaa shaacisay in dawladda Itoobiya si rasmi ah u saxeexday saamiga ay ku leedahay maamulka dekedda oo dhan 19%. Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah ugu kala saxeexday heshiiska dalka Imaaraadka carabta sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Dp World.

Warsaxaafadeedka Dp World

Itoobiya waxay heshiis maanta la saxeexatay hay’adda Dp World iyo xukumadda Somaliland waxaanay saamile ka noqonaysa dekedda Berbera.

Dp World waxay mashruuca ku yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30% iyo Itoobiya oo yeelanaysa inta soo hadhay oo ah 19%. Dawladda Itoobiya waxay maalgalinaysa kaabeyaasha si loo horumariyo mashruuca Berbera Coridor(Jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya) oo ah marinka laga galayo dalkan aan badda lahayn oo ka mid ah waddamada dhaqaalahoodu ugu koritaanka badan yahay.

Sidoo kale waxa jira qorshe lagu dhisayo barxad dheeraad ah oo dekedda Berbera leedahay, kaas oo waafaqsan qorshaha Berbera(Master pland) kaas oo Dp World oo horeba u sii bilawday hirgelintiisa iyada oo lagu darayo qalab cusub si loo horumariyo wax ku oolnimada shaqada iyo wax soo saarka. Wiishashka ugu horeeya ayaa dekedda soo gaadhaya dabayaaqada Sannadkan.

Guddoomiyaha shirkadda Dp World Sultan Axmed Bin Sulayman oo sharraxaya muhiimadda la shaqaynta dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ee mashruucan dardar gelinaya ganacsiga iyo fursadaha shaqada ee gobolku waxa uu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay rajadan ah in aanu la shaqayno dawladda Itoobiya. Itoobiya waxay hoy u tahay in ka badan 110 Milyan dad ah. Dekedaha Berbera iyo Doorale(dekedda Jabuuti) waxay siinayaan gobolka awood wax ku ool ah. Mustaqbalka labadan dekedadood iyo ka badan ba waa loo baahan yahay si looga shaqeeyo koritaanka gobolkan.”

“Dawladda Itoobiya oo aanu saamile la nahay waxay Dp World siinaysa in ay taageerto hiigsiga horumarineed ee dawladda. Horumarkan iyo sii xoojinta bahwadaagtayadu waxay muujinaysa ka go’aanshahayaga in aanu wada jir ula shaqayno bulshooyinka Somaliland iyo Itoobiya. Dhaqaalaha koraya ee gobolku wuxuu u baahan yahay horumarinta Berbera oo kaabaysa Jabuuti iyo marinnada kalemustaqbalka,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Dp World.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa isna yidhi “ Mashruucan waa mid aad muhiim u ah oo wax ka taraya dhibaatada Somaliland ka wajahayso dhinacyada shaqada iyo maalgashiga. Waa horumar soo dhawayn leh oo gobolka oo dhan ka faa’iidayo. Dhaqaalaha gobolku xawli ayuu u kobcaya taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in dekedo badan la horumariyo. Balaadhinta dekeddu waxay kordhinaysa awoodda gobolka si waafi looga dhigo koboca ganacsiga.”

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide ayaa isna madasha ka sheegay “Sanad wada xaajood dhab ah socday, Itoobiya waxay soo gabo gabaysay heshiis ay la gaadhay hay’adda Dekedaha Somaliland iyo shirkadda Dp World taas oo dawladda Itoobiya siinaysa 19% Saami ah ee shirkadda wada jirka ah ee horumarinaysa dekedda Berbera. Heshiisku wuxuu Itoobiya ka caawinaya in ay hesho marin dheeraad ah oo dhinaca saadka ah kaas oo saacidaya wax dhoofinta iyo soo dejinta waligeedba kordhaysay ee ay dabada ka riixayso dhaqaalaha iyo bulshada koraysa ee Itoobiya. Inta waxa dheer ka qayb qaadashada Itoobiya ee horumarinta dekedda Berbera iyo mashruuca Berbera Coridor waxay caawinaysa horumarka dhaqaalaha iyo fursadaha ee bulshada Somaliland. Itoobiya waxay sidoo kale sii wadaysa isticmaalka dekedaha Jabuuti, waxa kale oo ay raadin doonta horumarinta marinadda iyo dekedaha saanadda ee kale.

Halkan ka akhriso qoraalka DP World ee Sayruuqnews afsoomaali u rogtay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.