DP World Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dekeda Berbera

0
DP World Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dekeda Berbera

DP World Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dekeda Berbera

Shirkadda saamiga ugu badan leh maamulka dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in si kama dambeys ah loo saxeexay bilawga mashruuca suuqa xorta ah ee dekedda Berbera. Heshiiskan oo ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo DP World ayay sheegtay in ay haddana si kama dambeys ah u kala saxeexdeen Dp World iyo xukumadda Imaaraadka.

Shirkadda ayaa sheegtay in wajiga koobaad ee horumarinta dekedda Berbera oo ah Free Zone-ka oo ah 12KM2 kuna dhinac yaalla dekedda sanadkan la bilaabi doono dhismihiisa. Waxa uu wajigani kordhin doona shaqo abuurka waxaanu taageeraya in Berbera noqoto xarunta ganacsiga gobolka sida Dp World ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.

“Hiigsigayaga Berbera waa in aanu ka dhigno xarunta ganacsiga gobolka Geeska Afrika, waxaanu horumarkeedu dhiirigelinaya koboca dhaqaalaha gobolka. Waxa kale oo ay kor u qaadaysa in dalku barwaaqoobo_ fursadaha shaqo ee Somaliland iyo jiilasha mustaqbalka. Waxaanu halkan ka sii wadayna waayo aragnimadayada dunida, waxaanu caawinayna horumarinta Berbera Coridor, taas oo dhiiri gelinaysa dhaqaalaha gobolka,” Sidaas ayuu yidhi Madaxa DP World  Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in Suuqa aagga xorta ah dhammaystirayo horumarka dekedda Berbera waxaanay awoodsiinaysa in ay noqoto marin laga galo gobolka iyo guud ahaan Afrika. Waxa uu sheegay in ay shaqada bulshada kor u qaadayso, islamarkaana taageerayso kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar iyo kan dhexe ee degaanka.

Shirkadda ayaa sheegtay in Free Zone-ku muhiim u yahay ganacsiga islamarkaana ay kaydad u noqon doonto ganacsatada wax soo saara iyo kuwa wax soo dejiya. Waxay sheegtay in Free Zone-ku la mid noqon doono Free Zone-ka dekedda Dubai ee Jebel Ali, islamarkaana soo jiidan doono maalgashiga, dheeri gelin doono ganacsatada, abuuri doono shaqooyin cusub, kana dhigi doono Berbera marin badeed gobolka laga soo galo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.