DP World Oo Macno Darro Ku Tilmaantay Hadalka Somalia

0

DP World Oo Macno Darro Ku Tilmaantay Hadalka Somalia

Guddoomiyaha shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa shalay galinkii dambe la hadlay warbaahinta Imaaraadka waxaanu macno darro ku sheegay dhawaaqa Somalia kaga hor timid heshiiska dhexmaray shirkadda Imaaraadka ee DP World, Somaliland iyo Jabuuti. Waxa uu sheegay in aanay Somalia waxba ka qaadi Karin heshiiska maaddaama Somaliland tahay dawlad madax bannaan muddo 28 sannadood ah.

Nama khuseeyo waxay leedahay dawladda Federaalku. Somaliland waa dawlad madax bannaanayd 28 sannadood, waana meel xasilloon oo dimuqraadiyad ka jirto. Mashruucayagu wuxuu helay ogolaanshaha baarlamaanka Somaliland. Ma awooddi karto xukumadda Federaalku in ay wax bedesho aan ahayn hadallo ay jeediyaan oo aanan anagu joojin Karin. Hawshu way noo socota mashruucana xilka naga saaran waanu ilaalinayna anaga iyo kuwa aanu shuraakada ku nahay ee Somaliland iyo Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Dp World.

Waxa kale oo uu ka hadlay xiisadda u dhexeysa Dp World iyo Jabuuti waxaanu yidhi “Jabuuti maxkamadda aanu u dacwoonay waa isla maxkamaddii ay naga soo dacweeyeen, go’aanka maxkamadda ayaa soo saaraysa, waxaanu filayna in naloo xukumo. Fulinta go’aanka waxa jiraya ganaax iyo magdhaw ku saabsan sumcaddayada iyo qaabka aan haboonayn ee ay noola dhaqmeen. Runtii iyagu heshiiska oo kaliya may burin balse xoog bay kula wareegeen dekedda anaga oo qayb ku leh, runtii waxay taasi dhaawacaysa Jabuuti iyo dawladdaha Afrika anaga wax weyn nagama soo gaadhayaan.”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.