Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday qofkii u horreeyay ee xanbaarsan CoronaVirus

0

Dowladda Masar ayaa ku Dhawaaqday qofkii u Horreeyay ee xanbaarsan CoronaVirus in lagu arkay dalkani Masar.

Qofka laga helay oo Ajanabi ah ayaa la karantiilay isagoo loo gudbiyay Magaalo xeebeedka Marsa Matruh oo 240km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Alexandra, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 300 oo qof oo laga soo daad gureeyay dalka Shiinaha.

Dowladda Masar ayaa heegan galisay Shaqaalaha caafimaadka, waxa ayna aad u adkaysay garoomada caalamiga ah ee dalkeeda ayadoo dhigtay qalab Electronic ah oo hubinaya dadka ka soo degaya Madaarada Caalamiga ah.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumada Qaahira ayaa amartay dadka Masaarida iyo dadka shisheeye ee ku nool dalka Masar in ay tagaan goobaha caafimaadka hadii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka CoronaVirus.

Hadaba, aniga Shaqsiyan waxaa ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee inta badan wax ka cuna maqaayadaha indho-yarta in ay ka waantoobaan in ay wax ka cunaan maqaayadaasi inta la hubinayo jiritaanka kiisas kale oo xanuunkaasi ah.

Allah ku ekeeyo qofkaas kaliye ee Jeermiska sida ee soo galay Masar, sidoo kale Allah ka badbaadiyo cudurkan Safmareenka ah d dhamaan dalalka Muslimka ah.

Hussein Sahnuni

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.