Doorka ama awoodaha Maamul iyo Kantarol ee W.Daakhiligu ku leedahay Maamulada D.hoose

0

Doorka ama awoodaha Maamul iyo Kantarol ee W.Daakhiligu ku leedahay Maamulada D.hoose

Wa hubaal in aan bulshada somaliland intooda badani fahansanayn Doorka Maamul ee wasaarada daakhiligu ku leedahay Golayaasha Degaanada dalka, iyo Maamuladooda oo ah D. hoose

Hadaba waxan doonaya in aan halkan ku iftiimiyo awoodaha maamul kantarool ee W. daakhiligu ku leedahay maamulada d.hoose ee dalka.

Sida Runta ah anigoo ka duulaya Aqoonta iyo Waayo aragnimada aan u leeyahay mawduucan iyo xogaha saxda ah ee an ka hayo, madama aan ahaa sarkaal mudo 19 sano ah ka hawlgalayay W.daakhiliga isla markaana kaso qabtay Waaxyaha W.saarada xilalka ugu sareeya.

waxan halkan hoose midmid ugu tixi doona awoodaha maamul ee Wasaaradani ku leedahay D.hoose wana kuwan hoos ku xusan;-

Waxan u kala qaadi doona awoodahan laba qaybood oo kala ah, awoodaha maamul ee tooska ah, iyo awoodaha maamul ee dadban ( Direct and indirect )

aan ku horayna qodaobada awooda maamul ee sida tooska ah ay w. dakhiligu ugu leedahay d. hoose.

  1. W. daakhiliga oo ah wasaarada ay hoos yimaadan maamulada dawladaha hoose waxay awooda kobaad ee maamul iyo kantarolba ku leedahay d.hoose, waxayna xubin ka tahay, Xubnaha fulinta siiba mid ka mida labada xubnood ee leh awoodaha saxeex ee kharash galid , bixin iyo dhamaanba awoodaha saxeex ee fulinta hawlaha dawlada hoose nooc kasta oo ay yihiin, wana Xubinta Xogahaya fulinta dawlada hoose oo ah xubin si toosa uga timaada wasaarada daakhiliga sona magacawdo. tasi oo ah waliba xubinta halbalaha shaqada dawlada hoose marka laga tago awoodaha seexexyada.

2.W.daakhiligu waxay leedahay awooda ansixinta , iyo waxka bedelka , kaabista Miisaaniyadaha dawlada hoose, ka dib marka ay golayasha degaanku soo ansixiyaan, waxa kale oo ay awood u leedahay inay diido misaaniyada isla markana dib ugu celiso maamulka dawlada hoose ayadoo faraysa in ay waxyabaha ay diidantahay ka soo saaran misaaniyada.

  1. Wasaarada daakhiligu waxay awood u leesahay, kantaroolka kharashaadka dawlada hoose iyo in ayna d.hoose istixmaali karin kharashaad kasta oo ka baxaan misaaniyada d.hoose ee ay ansixisay w. daakhiligu.
  2. Wasaarada daakhiligu waxay awood u leedahay in aanu maamulka dawlada hoose iibin karin hantida d.hoose leedahay, ayadoon wasaaradu ansixin, ama anu maamulka dawladaha hoose ka helin ogalaansho Wasaarada daakhiliga.

  3. Wasaarada daakhiligu waxay awood toosa u leedahay, in ay la xisaabtanto dawladaha hoose, isla markaana sadexbilood kasta ay d.hoose usoo gudbiyaan xisaab xidhada kharash iyo dakhli, si wasaarada daakhiligu ugu kantaroosho in aan kharashaadka dawlada hoose ka badan dakhliga ay so xarayso, sidoo kalana ay ka dhehato xisaab xidhada, kuna daba gasho , fulinta Masharicihii ku jiray misaaniayada d.hoose. ayadoo wasaaradu awood u leh in ay d. hoose ka joojiso kharashkasta oo ka baxsan kan misaaniyada, iyo inay weydin galiso, masharaacda aanay fulin, ee ku jiray misaaniyada.

  4. Wasaarada daakhiligu, waxay leesahay awooda sii daynta kabka dawladaha hoose, kadib markay dawlada hoose ka hesho qorshe yaasha ama.adeegyada mashaariceed ee ay ku fulinayan, taasi oo iyana ay wasaaradu ka rabto xisaab.celinta, kabkaas, iyo fulinta mashaariicda loo qondeeyay, in lagu fuliyo kabakan ama lacagtan oo ayadu kaliya ah in lagu fuliyo mashaariicda iyo adeegyada bulshada oo kaliya.

    7.Wasaarada daakhiligu waxay awood u leedahay, dhamaanba maamul toosinta iyo sixda qaladaadka dawladaha hoose, ee ku aadan dhinacyada maamulka, kharashaadka, mashaaricaha, iyo qiimaynta habsami u socodka nidaamka maamul ee dawladaha hoose, waxayna awood u leedahay inay teamam ama kooxo saraakila ah oo ka tirsan wasaarada u dirta dhamaanba wixii toosina ama ay ku dhaliilayso d.hoose , si ay u toosiyan. mudada ay toonto ha ku qaadate, dhinaca kale teamamkani waxay shaqo ahaan u xilsaaranyihiin baadhitaano dhinacyada maamul dakhli, kharash, hanti ama mashaariiceed, hadii ay jiraan oo la lunsaday .

Isku soo wada dubo qodobadan iyo kuwo aanan halkan ku xusinba waxay ka mid yihiin , Awoodaha maamul iyo kantaroolba ee tooska.ah ee Wasaarada Daakhiligu ku leedahay Mamulada D.hoose,

Waxay ku tusayaan qodabadani, in Wasaarada daakhiligu ay awood buxda u leedahay, in ay halkiisa ku joojiso ama ku baabiiso , Wax kasta oo khaladaad ah ama gaabis ah ama lunsi iyo ku tagrifal ah oo ay ku kacaan Maamulada D.hoose.

La soco Qormada danbe, oo ku saabsan Awoodaha w. daakhiliga ay ku leedahay D. hoose ee an tooska ahayn amaba dadban ( indirect ) Insha Allah
Xooghayihii hore dowlada hoose hargeisa cali xasan cawaale

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.