“Doorashadii Reer baa Badiyay ee in Laga Xanaaqo Maaha”Murashax Faysal Cali Waraabe

0

Hargeysa(Sayruuq)- Murrashaxa ahna  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  sheegay in doorashadii madaxtooyada Somaliland ka qabsoontay 13-kii Bishan ay tartameen reero, kadibna reer guulaystay.

Murrashax Faysal waxa uu ka mid ahaa saddexdii murrashax ee ku tartamay doorashadii madaxtooyada. Guddoomiye Faysal waxa uu xusay in tartankii doorashadu ahaa mid qabiil ku sallaysan, waxaanu yidhi; “Anagga oo wanaagsan oo dadku kala foofeen oo xaasasku kala yihiin kala cod, ayaa la keenay wax la yidhaahdo Garxajisiya oo lagu shiray Huteelka la yidhaahdo Maroodijeex ee Hargeysa, halkaasi ayay bahashu ka qaloocatay taasi waxay abuurtay in qabiil loo footeeyo oo waxa samaysmay Jeegaan. Waxaana dhacday in la filciltamo, codkiinna wuxuu ku baxay oo lagu bixiyay qabiil.”

“Haddii reeruhu ficiltamaan oo codka lagu ficiltamo waa la kala badinayaa oo reer baa badinaya. Dee markaa reer baa badiyay ee in laga xanaaqo maaha,”ayuu yidhi Faysal oo maanta gurigiisa ku qabtay shirjaraa’id.

Guddoomiyaha UCID waxa uu ku dooday inaanay Somaliland ku burburi doonin, waxaanu yidhi: “Somaliland kuma burburayso Sanaag Land iyo WADDANI Land toona. Waxaan leeyahay WADDANI idinkaa qabiilka, xumaanta iyo Garxajisiyada keenay.”

Isagoo la hadlayay xisbiga ku guulaysta doorashada, waxa uu yidhi; “Xisbiga doorashada hela waxaanu leenahay waa in talo la iskugu yimaadaa, badhbadhaadhneey lama ogola. Dalkani wuxuu u baahan yahay in wadajir looga taliyo, horumarkiisa laga tashado oo sharciyada la adkeeyo.”

Guddoomiyaha UCID waxa uu intaas ku daray in doorashadu u qabsoontay si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah. Waxaanu  bogaadiyay Guddida doorashooyinka qaranka iyo ciidammada nabadgelyada dalka.

Sayruuqnews

Hargeysa-office

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.