Doorashadii Isku Sidkanayd, Ma Asxaabta Mucaarad-kaa Guulaystay Mise Xisbul Xaakimka?

0

Bal Aan Isku Dayo Aragtidayda Inaan Bulshada La Wadaago Cida Guulaysatay Mudadii Koobnayd Ee Doorashadii Isku Sid-kanayd Inaan Cabiro, Bulshaduna Ila Eegto.

Marka Hore Allaa Mahad Leh Oo Amni Iyo Muuwaafaqo Inoogu Deeqay Kana Yeelay Somaliland Qaran Maamus Iyo Karaamo Badan Oo Aay U Qabsoontay Dorasho Taariikhiya Ooy Dunidu Ku Amaantay, Maamul Wanaaga Iyo Dimuquraadiyada Taala Een Dal kaloo Afrika Ah Aan Ool Kana Suuro Gelin Ee Somaliland Ku Caan Baxday.

Hadii Aan Gudo Galo Doorashadii Waxaa Dhacday In Xisbiga Wadani Goolaha Wakiilada 31 Kursi Heleen, Halkaa Xisbul Xaakimka Kulmiye 30 Kursi Ka Helay Ee Xisbiga Ucid Isna Helay 21, Bartaasoo Asxaabta Mucaaridkii Aqlabiyadii Kuraasta Baarlamaanka Hanteen.
Waxaa Xigtay In Labada Xisbi Mucaarad Is Xulufaysteen Guulna Sheegteen Iyadoo Run Ahaantii Aay Guulaysteen. Lakiin Markaad Eegto Nidaamka Doorashadii Qabsoontay Ee Cadaalada Lahayd, Iyadoo Maanta Talada Dalka Uu Hayo Madaxeeyne Muuse Biixi In Run Ahaantii U Qatay Oo Hantay Maamuus Kii Iyo Milgihii Aay Lahayd Dorashadii Qabsoontay.
Arintaaso Ka Hor Imanaysa Guusha Asxaabta Mucaaradku Sheegteen Oo Run Ahaantii La Odhan Karo Weli May Bislaan Oo May Garan Siyaasada Cusub Ee Madaxeeyne Muuse Shaxeeyay, Taasoo Ah Mid La Jaan Qaadaysa Jiilkan Cusub Aragtidooda Iyo Himiladooda. Arintaasoo Iyadoonan Meel Fog Aanan Ka Doonin Fursad Weyn Siisay Siyaasiyiinta Da’ Yar Ee Cabdikariin Axmed Mooge Iyo Barkhad Jaamac Batuun Oo Codkii Shacabka Ka Yeeshay Mid Gudoonsiisay Rabitaan Koodii Oo Masraxii Aay Ku Hantiyeen Guusha, Nidaam Keedii Hanansiiyay Madaxweynuhu Umaduna Uga Markhaati Kacday Mucaarad Iyo Muxaafdba. Hadaba Habsamidaa Cadaaladu Ku Dheehnayd Ee Uu Suuro Geliyay Madaxeeyne Biixi Waxaa Ku Lamaana In Maayar Kii Hore Ee Caasimada Hargaysa Ku Amray Inuu Cabdikariim Axmed Mooge U Tanaasulo Lana Ixtiraamo Codka Shacabka, Balan Qaadayna Inuu La Shaqaynaayo Oo Maanta Aay Taagan Tahay Midaynta Shacabku. Arimahan Oo Dhami Waxay Xariiqeen Oo Aay Sugeen In Madaxweeyne Muuse Biixi Hadii Shanta Danbe Doorasho Isusoo Taago Inuu Banaanka Ka Qaadanaayo Doorashadaas Oo Weliba Cod Aqlabiyad Ah Ku Hantiyi Doono.

Xisbiga Wadani Iyo Ucid Iyagu Weli Ma Dareemin ‘The New Political Strategies’ Madaxweeyne Muuse Biixi Uu Sii Dejiyay Ee Mustaqbal Ka Dhoow Usii Qorsheeyay Ee Hanka Dhalinta Somaliland Waafaqsan Rabitaan Kooda Uu Maanta Kaga Jawaabay Doorashadan. Halkaa Asxaabta Mucaarad Kii U Muuqdaan Kuwo Weli Ku Mashquulsan Guusha Aqlabiyada Wakiilada Iyagood Moodo In Aragtidooda Siyasadeed Aay Gaaban Tahay Oo Min Qiyaaska Aragtida Fog Ee Siyasadeed Ka Aradan Yihiin.
Arintaas Oo Labada Xisbi Mucaarad Ee Ucid Iyo Wadani Hada Siyaasiyan U Muuqdaan Kuwo Weli ‘Politically Mature’ Ahayn.

Aden-Deeq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.