Doorashada Soomaaliya 2021 iyo qiyaamadda loo dejiyey

0
Doorashada Soomaaliya 2021 iyo qiyaamadda loo dejiyey

Doorashada Soomaaliya 2021 iyo qiyaamadda loo dejiyey Beelaha dega Koonfurta

Ayaan Daradda siyaasadeed ee dadka bartamaha iyo koofurta soomaalia kunool waxay noqotay dhaxal wadaag ah jiilba jiilka kadanbeeyo ugudbiyo, duruufaha dhaqaale iyo amni darada ka jirta waxaa kusoo wajahan masiibo siyaasadeed oo cawaaqibteeda aysan ka kabsan doonin 50 sanno ee soo socda, waxaana daliil u ah heshiiska nooca doorashooyinka noqonaayo sanadka 2021, ee lagu gaaray magaalada Baydhabo taariikhdu markey ahayd 9-Juun-2018, looguna magac daray (PR-CLOSED LIST SINGLE CONSTITUENCY) heshiiskan oo kamuuqata hagardaamo qote dheere weliba u nidaamsan qaab sharciyeysan, waxaan halka faahfaahin doonnaa ujeedka laga leeyahay weliba u iftiimin doonnaa hab fudud ay dadka fahmi karaan.
Sida lawada ogsoon yahay duruufaha dalka ka jira waxaa ugu weyn mida amni oo saamaysay dhamaan nolosha dadka kunool bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, oo ay ugu horeysa dhibaatooyinka kajira goobaha argagaxisada ka taliso oo ah dhul balaaran oo ay kunool yihiin dad fara badan, caqabadaha dadka haysta waxaa kaloo kamid ah isusocodka dadka kunool deegaanada Dowlada Federalka ka taliso iyo Deegaanada argagaxisada haysato, iyo horumar iyo wacyi la,aan guud ee ka jirkan waxaa usii wehliya hogaamadooda siyaasada oon ku baraarugsanayn hanaanka geedi socodka siyaasada dalka.
Nidaamka doorashooyinka lagu heshiiyay wuxuu ku dhisan yahay habka qaybinta boqolleyda, iyo deegaan doorashoyin isku xiran, iyadoo tirada cod bixiyaasha oo dhan ayaa loo qaybinayaan tirada kuraasta loo codeeyay, xisbi walbana wuxu saami u heleyaa tirada cood uu helay kuraas u dhiganta, nidaamkan waa nidaam aad looga isticmaalo wadamada horu maray, mabaa,dii,da guud ee habkan waxaad ka fahmi kartaa tusaalahan.
Hadii aan tusaale usoo qaadano.
Waxaa tartamaya 5 xisbi waxayna u tartamayaan 100 kursi, oo hal deegaan doorasho ah, dadka codka bixiyayna waa 10,000 qof macnaheedu yahay qiimaha 1 kursi wuxuu ku fadhiyaa 100 cod.
Xisbiyada codadka ay heleen wuxuu kala noqday.
1, Xisbiga A wuxuu helay 3,000 cod
2, Xisbiga B wuxuu helay 1,000 cod
3, Xisbiga C wuxuu helay 3,000 cod
4, Xisbiga D wuxuu helay 2,000 cod
5, Xisbiga E wuxuu helay 1,000 cod
Marka codadka xisbiyada loogu qiimeeyo kuraast ay saamiga u helayaan wuxuu noqonayaa sida.
1, Xisbiga A wuxuu helay 30 kursi
2, Xisbiga B wuxuu helay 10 kursi
3, Xisbiga C wuxuu helay 30 kursi
4, Xisbiga D wuxuu helay 20 kursi
5, Xisbiga E wuxuu helay 10 kursi
Doorashooyinka Nidaamkan waxay ka dhaceysaa deegaan doorashooyin kuraas badan lagu tartamaayo, xisbiyada ayaa utartamaaya kuraasta la dhigay dalka oo dhan, nidaamka wuxuu si cad uqeexayaa xisbiga ku guuleysta tirada codadka ugu badan inuu heli doono kuraasta xildhibaanada ugu badan.
Marka aad fahamto tusaalaha kor ku xusan waxaa isweydiin mudan, dhowr su,aal oo ah,
1. Dadka kunool goobaha bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kamidka ah ee Argagaxisa haystso sidee uga qaybgali karaan hanaanka doorashooyinka si ay codkooda ku dhiban doonaan?
Waxaa si cad umuuqata in aysan awoodi karin in ay ka qayb galaan hanaanka doorashooyinka waxayn waayi doonaan xuquuqda matalaada siyaasada, maadaama, taas oo macnaheedu tahay in tirada ugu badan Xildhibaanada Baarlamaan Federaalka ka imaan doonaan maamulada shabaabka gacanta ugu jirin sida Puntland iyo goobaha lamidka ah.
Heshiis Siyaasadeedka waxaa ka muuqda hab-dhaqinki siyaasadihii Musuq-Maasuqa ee 1960..yadii jiray, waxaa xusid mudan 60 sano kadib in dib loo askumo Baarlamaan ay tusarufaan Beel gaar ah ee beelaha Soomaaliyeed kamid ah, iyadoo loo marayo HESHIIS QIYAANO DOORASHO AH, Waxaa kaloo ayaan daro kasii weyn ah in dhaqan galka heshiiskan ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda DEEGAANADA KOONFURTA SOOMALIYA.

Gunaanad.
Waayaha iyo waqti lajooga waxaa dadka ka mas,uul ah inta damqashada iyo damiirka leh, kuma koobna masuuliyada shaqsiyaadka xilalka siyaasada haya kaliya, ee waxaa WAAJIB ku ah dhamaan inta wax garato in ay ka hortagto, HAGARDAAMADAN SIYAASADEED EE KUSOO FOOL LEH DHAMAAN UMADDA KU NOOL KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMALIYA.
Qore Abdirahim Ahmed dhageey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qofka ku Qoron, kamana tarjumeyso Sayruuq News. Sayruuq News, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa shaksiga ah. Kusoo dir qoraaladaada sayruuqnew@gmail.com ama contact@sayruuq.com Mahadsanid

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.