Dood Ka Taagan Waddo Loo Dhisay Madaxweyne Muuse Biixi

0

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa dhistay Waddo casri ah oo gasha guriga Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waddadan oo intii Mudane Muuse Biixi halkaasi degena ahayd mid burbursan ayaa la dhisay maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay Madaxtinimada Somaliland.

Dhismaha Jidkan ayaa qabsaday baraha bulshada waxaana lagu faaqiday dood ku saabsan arrintan. Dad badan ayaa dhalliilay in Madaxweynaha la doortay ogolaaday in loo dhiso jidkaas oo uu xaq u lahaa 27 sanno oo Somaliland jirtay in loo dhiso laakiin, Xilka iyo sharafta Madaxweynenimo loogu dhisay xilligan. Arrintan ayaa loo arka in maayarka caasimadda Mudane Soltelco oo si weyn xisbiga ugu ololeeyay sharaf kaga raadsanayo Madaxweynaha la doortay.

Dhalliisha loo hayo jidkan ayaa ku salaysan in ay burinayso ballamihii Madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in sharcigu sarraynayo oo loo sinnaanayo iyo in aanu ogolaan doonin cid u guul wadaysa. Jidkan ayaa loo arka in Maayarku si guul wadayn ah ugu dhisay jidka Madaxweynaha la doortay. Sidoo kale dadka ayaa ku doodaya in ay tahay in Madaxweynaha iyo bulshada kale u sinnaadaan waxqabadka iyo dhismeyaasha waddooyinka.

“Mudane, Madaxweyene Guriga aad ku jirto waxaad degan tahay 27 Sanno oo Somaliland jirtay, waxaa intaas isku kaa dul bedelay 4 xukumaddood, waxaad tahay odey waayaha iyo duruufaha dalka yaal xogogaal u ah, waxaad xaq iyo xuquuq distooriya u laheyd adiga iyo jaarkaaguba ineydun cashuurti la idinka qaadayey ku heshaan waddooyin wacan oo aad martaan. In maanta Magacaaga Madaxweynenimo ku hesho waddo 27 Sanno oo aad Muwaadin aheydna ku waydo waddo waa mid ka hor imaneysa Hal-kudhiggii aad Ololaha ku gashay ee ahaa: ” Ballaanteenu waa sarreynta Sharciga” micnaha sareynta sharcigu waa u sinnaanshaha Madaxda iyo Muwaadinta maaliyadda iyo maamulka dalka, ilaha adeega aasaasiga u ah noloshana waxaa mudnaanteeda leh muwaadiniinta,” Sidaas waxa yidhi Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah dadka arrintan ka hadlay.

Dhanka kale dadka difaacaya jidka loo dhisay Madaxweynaha la doortay ayaa sheegaya in ay suuro gal tahay in Madaxweynuhu degenaanayo gurigiisa oo aanu u soo guuri doonin Madaxtooyada sidaas awgeedna si looga taxadaro in jidka uu marayo loogu aaso waxyaabo halis gelin kara ay khasab noqotay in loo dhiso jid casri ah. Difaacayaasha ayaa aamminsan in ay tahay sababo ammaan haddii Madaxweynuhu qorshaystay in uu sii degenaado gurigiisa laakiin, lama oga in uu degenaan doono iyo in kale.

Image may contain: outdoor and nature

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

 Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.