Dood Ka Dhalatay Maktabadii Qaranka Oo Siilaanyo Loo Bixiyay

0

Hargeysa(Sayruuq) Waxa baraha bulshada ka soo muuqday Istiikaro iyo sawirro muujinaya in Maktabada Qaranka Somaliland(Somaliland National Library) laga bedelay magaca loona bixiyay Maktabadda Qaranka ee Siilaanyo(Siilaanyo National Library). Sawirrada bulshadu dhex wareejinayso baraha bulshada(Social Media) ayaa lagu sheegay in Sabtida Madaxweyne Siilaanyo furayo Maktabad isaga loogu magac daray.

Maktabadda Qaranka ayaa  dhismaheedu socday sannadihii u dambeeyay taas oo bulshada tabarucaad looga ururin jiray. Dhul qayb ka ah wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta ayaa laga dhisay waxaanay bulshadu u taqaanay Somaliland National Library.

Arrintan ayaa buuq ka dhex abuurtay baraha bulshada kadib markii la ogaaday in Maktabada magaca laga bedelay. Dad badan ayaa cambaareeyay arrintan kuna dooday in aanay sax ahayn. Doodan ayaa dulucdeedu tahay in laga cabsi qabay in aanay bulshadu dhismaha Maktabadda ka qayb gasheen haddii bilawgii loo bixin laha Siilaanyo laakiin, markii la dhammaystiray loo bixiyay taas oo loo arko khiyaamo bulshada lagu sameeyay.

Sidoo kale dad ka taageersan in magaca Maktabadda loo bixiyo Siilaanyo ayaa ku doodaya in Madaxweyne Siilaanyo u qalmo in loogu magac daro Maktabada. Aragtiyahan ayaa lagu ladhaya in Madaarka Hargeysa loogu magac daray Madaxweynihii hore AHUN Cigaal. Sidoo kale dadka qaar ayaa ku doodaya in ay suuro gal tahay in dadkii maamulka dhismaha Maktabadu dano gaar ah ka leeyihiin u bixinta Siilaanyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.