Donald Trump Oo Joojinaya Barmaamij 50,000 Qof Sanadkii Ku Tagi Jirtay Maraykanka

0

WASHINGTON.D.C(Sayruuq) Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu kala shaqeyn doono Koongareeska sidii loo joojin lahaa barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee sanad walba ay kumannaan ruux ku yimaadaan Mareykanka.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki la sheegay in ninki Talaadadi baabuurka dadka ku jiidhsiiyay gudaha magaalada New York uu ku yimid barnaamijkaasi loo yaqaano Lottery Visa.

Haddaba wariyaheena gobolka Minnesota ee VOA Maxamuud Mascadde, ayaa muhiimada barnaamijkan iyo cidda ku timaada Mareykanka weydiiyay, Aamin Haaruun oo ah sharciyaqaan dagan magaalada Minneapolis “Fiisahan waxa loo yaqaana ‘Diversity Visa lottery’ waa fiise bakhtiyaa nasiib lagu helo oo laga soo codsado dunida daafaheeda. Waxa sanadkii Maraykanka ku soo gala 50 kun oo qof. Waxa loogu talo galay kala duwanaanshaha dadka Maraykanka soo galaya, inta badanna waxa loogu talo galay dalalka aanay dad badan ka joogin Maraykanka,” Sidaas ayuu yidhi sharci yahan Aamiin,

Aamiin Haaruun ayaa sheegay in hore ay jireen dodo uga furnaa barmaamijkan laakiin, ay arrintan soo dedejisay nin dhawaan dad badan laayay oo la ogaaday in uu 7 sanno ka hor ku soo galay Bakhtiyaal nasiibka Lottery-ga.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.