Diyaaraddaha Maraykanka Ee NATO Oo Duqayn ku Dilay Askar Afghanistan Ah

0

Kabul(Sayruuq)-Ugu yaraan 8 Askari ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacantay gantaal Diyaaraddaha NATO ku rideen Kaantarool Ciidanka Afghanistan leeyihiin.

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Baraki Barak ee gobolka Lagor oo dhanka bari ka xigta 50km magaalada caasimada ah ee Kabul.

Taliyaha Gobolka Lagor Abdul Razaq, ayaa saxaafadda u sheegay in Saldhigan ciidan ee duqaynta lagu sameeyay uu ka babanayay calanka Afghanistan.

 

Badhasaabka Gobolkan Maxammed Raxiim Aamin, ayaa shilkan ku macneeyay mid ku yimid farsamo xumo. Waxa uu sheegay in laba diyaaradood oo kuwa Maraykanka ah ee Nato duqeeyeen bartaasi Kantarool.

 

Colonel Brian Tribus, oo afhayeen u ah Ciidanka Militariga Maraykanka ee Aghanistan ayaa sheegay inay ka war qabaan dhacdadaasi. Waxa uu ku gaabsaday in la baadhayo sababta ciidankaasi loo garaacay.

Duqayn Ciidamada NATO ee Maraykank u hogaamiyaa fuliyeen bishii December ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay 5 qof oo shacab ah, 6 kalena way ku dhaawacantay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.