DILKII CABDIRASHIID

0

DILKII CABDIRASHIID

Muxuu Jaamac Maxamed Qaalib ka yiri?

Sida Soomaalida badankoodu aamminsan yihiin madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa aano qabiil Laascaanood ugu toogtay nin askari ahaa oo la oran jiray Saciid Ismaaciil Yuusuf (Saciid Oorfane) oo Cali Saleebaan ahaa. Sida dadka badankoodu aamminsan yihiin, Saciid Oorfane waxa uu ka mid ahaa ilaaladii madaxweynaha. Balse sida warbixinno kale xaqiijiyeen Saciid Oofane marnaba ka ma mid ahayn ilaaladii madaxweyne Cabdirashiid, sidaa oo kale xubin ka ma ahayn ciidanka boliiska dhabta ah.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo si wayn uga horyimid “Cabdirashiid aano qabiil baa loo diray” waxa maqaal uu qoray ku soo bandhigay caddaymo cusub oo farta ku fiiqaya in dilkii madaxweyne Cabdirashiid ka waynaa aano qabiil, uu na salka la galayo dagaalkii qaboobaa (cold war) iyo afgambii Maxamed Siyaad Barre xukunka dalka ku qabsaday shan (5) maalmood ka dib dilkii madaxweynaha (Who Assassinated the Somali President in October 1969? The Cold War, the Clan Connection, or the Coup d’État 2017).

Dr. Ingiriis waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in ninkii madaxweynaha dilay uu ka diiwaangashanaa ciidanka Daraawiishta balse saraalkiil ciidanka boliiska ka mid ahaa tababar siiyeen. Waxa kale oo Dr. Ingiriis sheegay in taliyihii boliiska (ka hor 1967) Jeneraal Maxamed Abshir Muuse uu ninkaas dilka gaystay ciidanka Daraawiishta ku daray. Waxa kale oo la yaabka leh ee Dr. Ingiriis maqaalkiisa ku sheegay ayaa ah ninkaas dilka gaystay magaca diiwaanka ciidanka ugu qornaa uusan ahayn Saciid Ismaaciil Yuusuf balse uu ahaa Cabdulqaadir Cabdi Maxamed darayska (uniform) boliiska loo galiyay wax yar ka hor toogashadii madaxweynaha. Waxa se uusan Dr. Ingiriis kala caddayn labada magac ee ninkaas midka saxda ah.

Waxa kale oo xusid mudan in Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ka mid ahaa siyaasiyiin dhawr oo lagu eedeeyay dilkii madaxweyne Cabdirashiid. Waxaa ka mid ahaa ra’isul wasaare hore Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo xukuumaddii Cabdirashiid mucaarad adag ku ahaa sidaa oo kale na saaxiib dhow la ahaa Jeneraal Maxamed Abshir. Waxa kale oo xasuus mudan in Cabdirasaaq dhawr goor ku hanjabay dilka madaxweyne Cabdirashiid. Labada nin ba waa beeniyeen eedaynta loo jeediyay.

Yeelkeed’e Jaamac Maxamed Qaalib oo markii dilku dhacayay madax ka ahaa qaybtii boliiska ee gobaladdii waqooyi (Somaliland) ayaa buuggiisa ugu dambeeyay (Taariikhda Soomaaliya: Xogogaalnimo U Badan 2019) ku soo bandhigay xogo cusub oo la xiriira dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke kuwaas oo aan horay loo ogayn.

Jaamac waxa buuggiisa ku sheegay in berigii uu madaxda ka ahaa hay’addii Sirdoonka Qaranka iyo Nabadsugidda (Somali National Intelligence and Security) oo markaas boliiska ka mid ahayd uu ogaaday in dharcad sirdoonka ka mid ah la dabadhigay Cabdirashiid Cali Sharma’arke si ay u basaasaan. Inkasta oo uusan Jaamac sheegin taariikhda iyo sannadka haddana kolleyba waa Juun 1964 ka dib, waayo marka Jaamac warkaan ogaanayo waa mar uu Cabdirashiid mucaarad ahaa.

Jaamac waxa uu sheegay in berigaas hay’adda sirdoonku jaajuusiin ku lahayd goobaha fadhikudirirrada siyaasadda lagu hayo. Waxa uu na intaas ku daray in nin jaajuusiinta hay’adda ka mid ahaa uu habeen Jaamac ku yiri “adduunyoy ba’ mootooyinkii boliiska maanta ba Cabdirashiid bay socdeen.” Sida uu Jaamac buugga ku sheegay mootooyinka ninku ka hadlayo waxa ay ahaayeen mootooyin sirdoonka Soomaalidu ku dabagali jireen hawlwadeennadii safaaraddii Itoobiya.

Jaamaca waxa uu yiri markii aan subaxdii xafiiskaygi tagay ayaan u wacay ninkii mootooyinkaas iyo dabagalkaba madaxda ka ahaa waxa aanan waydiiy in arrintaasi run tahay iyo in kale, waxa uu na ii sheegay in ay run tahay. Markii aan waydiiyay cidda ku amartayna calaacal iyo raalligelin buu ka bixiyay falkaas. Waxa kale oo Jaamac sheegay in uu qabay shaki ah in dabagalka Cabdirashiid ay ninkaas ku amreen madax sare oo asagana, waa Jaamac’e arrinta laga qarsaday.

Xasuuso waxa markaas ra’isul wasaare ahaa Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

Jaamac waxa uu qoray in Cabdirashiid lahaa qorshe-maalmeed (daily routine) joogto ah oo amnigiisa halis ku ahaa. Waxa uu yiri Cabdirashiid barqadii ayuu tagi jiray Baar Liido oo uu buug ku akhrisan jiray ilaa salaadda duhur dabadeedna salaadda maqrib ka dib ayuu shaleemada aadi jiray shaleemada ka dib na waxa uu fariisan jiray maqaayad ku taallay Hoteel Shabeelle ilaa sagaalka iyo barka (9:30) ayuuna halkaas fadhin jiray.

Jaamac waxa uu intaas ku daray in markaas ka dib uu dhawr goor maqaayadda ugu tagay Cabdirashiid ka dib na inta uu salaamo ayuu meel ka durugsan fariisan jiray, si buu yiri kuwa dabagalka ku hayay uga cararaan marka ay aniga i arkaan. Balse dhawr habeen ka dib waxa aan ka baqay in Cabdirashiid u maleeyo in aan asaga dabasocdo, ka dib na waan joojiyay hawshii.

Jaamac sida uu qoray arrinta u ma uusan sheegin Cabdirashiid.

Waxa kale oo Jaamac sheegay in markii Cabdirashiid madaxweynaha noqday uu hay’addii sirdoonka madax u dhigay isla ninkii mootooyinka dabadhigay. Taasi na ay caddaysay in Cabdirashiid uusan ogayn mootooyinka la dabadhigay.

Jaamac waxa uu hay’addaas madax ka ahaa sannadihii 1962 ilaa 1966.

Fiiri buugga Jaamac (bogagga 137-147).

Haddaba, waxaa iswaydiin mudan: maxaa ka dhaxeeya xogaha cusub ee Jaamac Maxamed Qaalib soo bandhigay iyo arigtida Dr. Maxamed Xaaji Ingiriis? Si aynnu taas wax badan uga ogaanno aan dib ugu laabanno qoraalkii Dr. Maxamed Xaaji Ingiriis.

Sida Ingiriis qoray ninkii madaxweynaha dilay waxa uu maxkamadayn deg deg ahayd ka hor sheegay in uusan madaxweynaha u dilin arrin qabiil balse uu u dilay khiyaano qaran oo asaga iyo ra’isul wasaarihiisu ku kaceen (isafgaradkii Cigaal la galay Kenya 1967).

Waxa kale oo Ingiriis sheegay in qareenkii Saciid Oorfane oo magaciisu ahaa Cabdicasiid Nuur Xirsi uu maxkamadda ka horsheegay in Saciid Oorfane mudan yahay in billad lagu abaalmariyo. Qaraankaas na uu ahaa nin Shuucinimadiisa (Marxist) la wada ogaa, isla markaana uu saaxiib dhow la ahaa Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Isla jeerkaasna Cabdicasiis Nuur Xirsi (qareenkii dilaaga) uu ka mid noqday golihii wasiirrada ee Maxamed Siyaad Barre magacaabay maalmo yar ka dib afgambigii. Sidaa oo kale na taliskii Maxamed Siyaad markii uu xukunka qabsaday uusan Cabdirasaaq jeelka ku ridin laakiin uu xabsi-guri geliyay sannado yar ka dib na uu u magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay. Waxa kale oo Cabdirasaaq aad u so dhaweeyay afgambigii Maxamed xukunka uga tuuray xukuumaddii Cabdirashiid iyo Cigaal.

Waxaa ayaduna xasuus mudan xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Maxamed Siyaad Barre iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Sida uu Jaamac Maxamed Qaalib isla buugga kore ku qoray; Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa qoraaga (Jaamac Maxamed Qaalib) u sheegay in 1964 markii Baarlamaanku diideen magacaabistii Cabdirasaaq iyo xukuumaddiisi uu Maxamed Siyaad Barre oo markaas ahaa kuxigeenka taliyaha Xoogga Dalka uu Cigaal iyo xildhibaanno kale ugu hanjabay in haddii mar labaad Baarlamaanku diido Cabdirasaaq ay ciidanku shaqadooda qabsan doonaan. (Jaamac Maxamed Qaalib, bogga 188).

Ha yeeshee, arrinta ugu mudan ee xiriirinaysa xogaha cusub ee Jaamac Maxamed Qaalib iyo maqaalka Dr. Ingiriis waa isku dayo dil oo Cabdirashiid loo maleegay 1968dii.

Sida Ingiriis qoraalkiisa ku sheegay nin askari ahaa oo la oran jiray Saadaq Maxamed Faarax oo Kabtan (Captain) ahaa ayaa labo goor isku dayay in uu madaxweyne Cabdirashiid khaarajiyo. Markii koowaad waa uu fashilmay oo bomkii (bomb) uu gaariga Cabdirashiid u dhigay ma qarxin. Markii labaad Kabtan Saadaq oo bombaano tijaabinaya rag kale na tababaraya ayaa bomkii ku qarxay halkaas ayuu na dhintay. Shilkaas ka dib waxaa la soo qabqabtay raggii Saadaq tababarayay oo sirtii sheegay balse falkaas baaritaan iyo dabagal dambe na lagu ma samayn. Sida oo kale Dr. Ingiriis waxa uu qoray, Kabtan Saadaq waxa uu qabay gabar Cabdirasaaq Xaaji Xuseen abti u yahay. Waxa kale oo Ingiriis sheegay in Maxamed Siyaad Barre oo dhawr bilood oo kaliya xukunka hayaa uu digreeto (degree) ku amray in magdhow la siiyo qoyskii Kabtan Saadaq Maxamed Faarax. Waxaa Dr. Ingiriis intaas ku daray Kabtan Saadaq uu saaxiib dhow la ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Ugu dambayn, inkasta oo Jaamac Maxamed Qaalib uusan marnaba soo qaadin wax xiriir oo ka dhaxeeyay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, mootooyinkii Cabdirashiid la dabadhigay iyo dilkii Cabdirashiid, sidaa oo kale uusan soo hadalqaadin iskudayadii dil ee Kabtan Saadaq ku fashilmay haddana waxaa cad in labada xogood ee Jaamac iyo Ingiriis xiriir leeyihiin u na baahan yihiin in dabagal iyo cilmibaaris dheeri ah lagu sameeyo.

Tixraac

Jaamac Maxamed Qaalib. Taariikhda Soomaaliya: Xogogaalnimo U Badan, (2019). Hud’Hud Books, Muqdisho.

Maxamed Xaaji IngiriisWho Assassinated the (2017). Who Assassinated the Somali President in October 1969? The Cold War, the Clan Connection, or the Coup d’État, African Security, DOI: 10.1080/19392206.2017.1305861 http://dx.doi.org/10.1080/19392206.2017.1305861.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.