Dila Jabhadi Way Ka Jirta,” Prof Qaasim Tubeec

0
Dila Jabhadi Way Ka Jirta,” Prof Qaasim Tubeec

Dila Jabhadi Way Ka Jirta,” Prof Qaasim Tubeec
Prof Qaasim Ibraahin Tubeec guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID ayaa daboolka ka qaaday in degmada Dila ee gobolka Awdal ay jabhadi ka jirto sida oo kalena ay soo noqonayso jabhaddii Suldaan Wabar.

Waxa uu sheegay in jabhadaha meelo kala duwan oo dalka ah ka abuuray ay sababtay hoggaan xumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka digay ciidamo uu sheegay in la geeyay meelo ka mid ah gobolka Awdal.

“Maamul xumada Muuse waxay keentay in dadkii ku fikiraan Jabhado. Dila Jabhadi way jirta, tii Wabar-na way soo noolanaysa oo hadda way soo socota, waxaas oo dhammi waa maamul xumada Muuse. Reer Awdal waxa shaqo kuma lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Qaasim.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Kulmiye ayaa maalmihii u dambeeyay beeninayay jabhad lagu sheegay degaanka Dila ee gobolka Awdal waxaana jira xildhibaanno xukuumaddu u xidhay in ay arrintaasi ku lug leeyihiin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.