Diin weerarku ma cusba ee in afsoomaali lagu tebiyo cayda diinta ayaa cusub, taa ha la ogaado.

0

Dib baan ka faahfaahin doonaaye, in sunnada ama xadiiska la diido laba qolo ayaa calanka u sidi jiray, 1) qolyo uu gumeystihii Ingiriisku Hindiya ka tagleeley oo uu ugu talo galsanaa inuu islaamka ku dumiyo, 2) shiicada kuwooda fogaaday ee Raafidada la yidhaahdo.

Haddaba afsoomaaliga la beleeyey ee burburintii diinta loo adeegsanayaa waa belo inagu cusub, mana garanayo dadka hawshan ku foogani labadaas qolo tay ka mid yihiin.

Ficiladda qofka ee xubnihiisu sameeyaan, hadalkiisa iyo rumeyntiisa qalbigaba axkaam sharci ayaa ka dhalata, sida Islaamku u leeyahay albaab laga soo galo ayuu u leeyahay kun albaab oo laga baxo, ha yeeshee gaalaysiinta qofku shuruud bay leedahay, waxaana la yidhaahdaa:
(تحقق الشروط وانتفاء الموانع)
laba qolo ayaa sugi kara arintaas, culimada iyo maxkamadaha.

Qofka shuruuddaasi ku sugnaato inuu hebel oo laga garanaayo yahay iyo inuu islaam afka ka sheegtaa meel u buuxin mayso, ee diinta hala barto gaalnimona hala dhowrsado

Alle dhammaanteen xaqa hayna tuso oo hayna waafajiyo raacistiisa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.