Difaaca Rasuulka (NNKA) Qalinkii Sheekh Ibraahin Xirsi Galow

0

Ugu horayn ha moodina doodaha Iblayska weyn ee Ilaahay Quraanka inoogu sheegay in dhagartiisu dafiicka tahay:

تعالى: {إن كيد الشيطان كان ضعيفا} (النساء:76))

Waxaa weheliya shayaadiin insiga iyo jinka ka tirsan oo uu Iblayska weyni u soo waxyoodo. Sidaa daraadeed dardaaranka hordhaca aan idinkula dardaarmayaa waxay tahay in aad diintiina aqoon waafi ah u yeelataan, si aad uga badbaadaan Ibrahim Hawd Yusuf oo kale oo maanta u soo dhiilo dhaansaday in Nebiga Salalaahu Calayhi Wasalam (SCW) iyo Sunadiisa uu weeraro. Ibrahim maaha xaq doon ee waa xasarad doon si uu buriyo diinta Islaamka iyo tiirarka ay ku taagan tahay.

Ibrahim Hawd Yusuf maaha nin ka jaahila Nebi Muxamed SCW iyo Sunadiisa waa nin ka soo baxay Jaamacadda Azar oo saqaafo carbeed leh waxkasta oo aan halkan aan ka sheego og baadhina kara. Runtii waa nin arintan u badheedhsan. Halganka uu Ibrahim ujeedadiisa ugu gogol xaadhayey waa hore ayey bilaabantay taas oo uu kaga dooday in wax Suno la yidhaahdaa aanay jirin isla markaana uu isku dayey in dhalinta yar yar ee Soomaaliyeed uu ka horkeeno Culimada Islaamka oo caayo. Culimada Islaamka oo la caayo waxay dilaysaa runtii “Haybadda Islaamka”.

Mucda Hadalka:

Si aan marka ugu horayso idiinku bushaareeyo in Nebigu SCW aanu weligii mushrik noqon waxay ku sugan tahay afarta daliil ee Ummadda Nebi Muxumed isku waafaqsan tahay in Shareecadda Islaamka axkaamteeda lagu sugo oo loo daliishado:

Waxaa ugu horeeya Quraanka. Quraanka waxaa ku sugan in Ilaahay ku yidhi:

( وَمُبَشِّراً بِرَسُولٍ يَأْتِي مِنْ بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ [الصف:6].

Waxaa Nebi Ciise SCW loogu sheegay in uu ugu bushaareeyo reer Bani Israa’iil iyo dadkii Injiil la siiyey in uu Imanayo Rasuul lagu magacaabo Axmed SCW oo isaga ka dambeeya. Waxaa kale oo Rasuulkeenu ka mid yahay SCW arwaaxdii Allah uu ka soo saaray dhabarka Nebi Adam SCW oo Allah uu ku yidhi Quraanka:

قال الله تعالى ( وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آدَمَ مِنْ ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَى أَنْفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ قَالُوا بَلَى شَهِدْنَا أَنْ تَقُولُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّا كُنَّا عَنْ هَذَا غَافِلِينَ * أَوْ تَقُولُوا إِنَّمَا أَشْرَكَ آبَاؤُنَا مِنْ قَبْلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةً مِنْ بَعْدِهِمْ أَفَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ الْمُبْطِلُونَ ) الأعراف/ 172، 173 .

Aayadkan waxay sheegayaan in Ilaahay dhammaan caruurta Adam uu dhabarka Adam SCW Ilaahay Subaaxanah Watacaalaa (SW) ka soo saaray oo qirsiiyey towxiidkiisa in uu keligaa yahay Barbaariyihii iyaga abuuray. Dadka toosan ee Shaydaanku aanu dheefta ku lahayn ee uu ka mid yahay Nebi Muxamed SCW marnaba Towxiidkaas cad kama ay baydhin.

قَالَ رَبِّ بِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِي الْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ (39) إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ (40) قَالَ هَٰذَا صِرَاطٌ عَلَيَّ مُسْتَقِيمٌ (41) إِنَّ عِبَادِي لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَانٌ إِلَّا مَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْغَاوِينَ (42(

Aayadahan waxay sheegayaan markii Ilaahay Ibliiska weyn ee Ibrahim Hawd duufsaday abuuray waxaa uu cilmiga Ilaahay siiyey Iblays dartii uu Iblays qoray in dadka uu Ilaahay doortay sida Ambiyada iyo Rususha SCW aanu wax nasiiba ku lahayn oo aanay Iblays raaci doonin. Kuwaas waxaa ugu horeeya Nebigeena Udgoon SCW.

Dhammaan aayadaha uu keenay Ibrahim Hawd iyo qaar aanu keenin isagu oo anagu aanu keenayno Ilaahay Fadligiisa iyo aqoonta uu nagu karaameyey darteed oo kala ah:

أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَآوَىٰ (6) وَوَجَدَكَ ضَالًّا فَهَدَىٰ (7)( سورة الضحي)

يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ (1) قُمْ فَأَنذِرْ (2) وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ (3) وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ (4( وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ (5)سورة المدثر

وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا ۚ مَا كُنتَ تَدْرِي مَا الْكِتَابُ وَلَا الْإِيمَانُ وَلَٰكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَن نَّشَاءُ مِنْ عِبَادِنَا ۚ وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (52) صِرَاطِ اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ أَلَا إِلَى اللَّهِ تَصِيرُ الْأُمُورُ (53) سورة الشوري

Dhammaan aayadahan oo dhan wax tilmaamaya in uu Nebigu SCW mushrik ahaa intii aan loo waxyoon kuma jiraan. Waxay tilmaamayaan in Nebiga SCW aanu cilmiga ku dhallan ee la baray oo loo waxyooday oo aqoonta uu xambaarsan yahay iyo iimaanka uu dadka barayo iyo nuurka Ilaahay ugu mano sheeganayo. Runtii in Nebiga SCW laga dhigay Ummi aan waxba hore iyo dib toona u akhriyin una qorin waxay ahayd qayb mucjisada Nebiga SCW ka mid ah.

تعالى: وَمَا كُنْتَ تَتْلُو مِنْ قَبْلِهِ مِنْ كِتَابٍ وَلا تَخُطُّهُ بِيَمِينِكَ إِذاً لارْتَابَ الْمُبْطِلُونَ [العنكبوت:48

Aayadan oo ah in aanu Nebigu aqoonba sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo, iyo aayaadka aan hore u sheegnay ee ahaa in aanu cilmi lahayn ee markii dambe la baray sheegimaayaan in Nebigu SCW ku sugnaa diintii shirkiga ee tolkii. Taas waxaa diiday aayadaha aan kor ku soo xusnay oo qaarkood Diintii Nebi Ciise SCW lagu sheegay Quraankana la inoogu sheegay.

  1. Xagga Sunnada Nebiga SCW inuu ahaa mid Ilaahay ka ilaaliyey shirkigii tolkii ku jireen waxaa u daliila:

والحديث في ذلك ثابت صحيح أخرجه مسلم وغيره ولفظ مسلم (عن أنس بن مالك رضي الله تعالى عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم أتاه جبريل وهو يلعب مع الغلمان فأخذه فصرعه فشق عن قلبه فاستخرج القلب فاستخرج منه علقة فقال: هذا حظ الشيطان منك ثم غسله في طست من ذهب بماء زمزم ثم لأمه ثم أعاده في مكانه، وجاء الغلمان يسعون إلى أمه – يعني ظئيره- فقالوا إن محمداً قد قتل. فاستقبلوه وهو منتقع اللون. قال أنس: أرى أثر المخيط في صدره”. والظئير المرضعة وهي هنا حليمة كما هو معلوم.

Xadiiskan oo uu soo saaray laftigan Immamu Muslim Sidoo kale ay wariyeen dhamman kutubta Sunnadda wuxuu sheegayaa in Rasuulka SCW laabtiisa la jeexay isaga oo yar oo maqal la joogaa ilaa 6 sano jir lagu qiyaaso. Jibriil Calayhi Salaam ayaa inta cad qalbigiisa uu ka jaray oo biyo Zamzam ah weel dahab ah kujira lagu dhaqay uu markaas Jibriil ku yidhi waxaan qalbigaaga ka saaray dheeftii Shaydaanku ku yeelan lahaa qalbigaaga.

Tani waa mid ka mid ah Ir-haasadka ama gogol dhigii Nebi Muxamed SCW lagaga dhawray shirkiga iyo gaalnimada isla markaana loogu sii carbiyey oo akhlaaq Suuban lagu manaystay inta aan la barin shareecada guud ee lagu soo dejiyey markuu Nebigu SCW gaadhay 40 jir. Maxay kuugu taala Ibrahim Hawd Yusuf waxaan oo dhan iyo Sunnada Nebiga SCW wuxuu yaqaanaa been ileyn waa nin waa hore u diyaar garoobay in uu diinta buriyo oo dhaldhalaalka gaalada iyo xeradda mulxidiinta ee Holland iyo Scandinavian ka muddo dugaashaday.

  1. Ummadda Nebi Muxumed SCW intooda cilmiga xambaartay waxay ku Ijmaaceen dhammaantood iskuna waafaqeen in Nebi Muxamed SCW aanu weligii yaraan iyo weynaan midna shirki ka dhicin. Ijmaacaas waxaa soo guuriyey Immamu Safaariini:

فلم يكن النبي صلى الله عليه وسلم قبل البعثة على دين قومه قط، بل هو مبرأ من ذلك صلوات الله وسلامه عليه، وقد ولد مسلماً مؤمناً، قال العلامة السفاريني في لوامع الأنوار البهية 2/305

  1. Qiyaaska saxiixa ah ee loo yaqaan qiyaaska cad ee muuqda waxaa uu cadeeyey in Nebi Muxamed SCW aanu weligii mushrik noqon arin-taas waxaa ku soo arooray daliilo Quraanka ku sugan oo ah kuwan soo socda:

( قال الله تعالى: وَآتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيّاً [مريم:12 )

قال تعالي : فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ قَالُوا كَيْفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي الْمَهْدِ صَبِيّاً (29) قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِيَ الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيّاً (30) وَجَعَلَنِي مُبَارَكاً أَيْنَ مَا كُنتُ وَأَوْصَانِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ مَا دُمْتُ حَيّاً (31) وَبَرّاً بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّاراً شَقِيّاً (32) وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيّاً (33) ذَلِكَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ قَوْلَ الْحَقِّ الَّذِي فِيهِ يَمْتَرُونَ (34

Nebi Yaxya SCW waxaa la siiyey isaga oo yar oo sebi ah xukun iyo toosni uu diinta Alle ku toosnaa. Waxaa kale oo Nebi Ciise SCW uu ku hadlay dharabta markuu soo dhacay in uu yahay Nebi la siiyey Kitaab, oo uu barakaysan yahay oo fulin doona Salaada iyo zekeda inta uu noolahay. Waxaa lagu kulansan yahay In Nebi Muxamed SCW uu ka fadli badan yahay Nebi Yaxya iyo Nebi Ciie SCW, qiyaaska muuqdaa wuxuu yahay haddii Ilaahay Ambiyadaas iyaga oo saqiira ilaaliyey waxaa taas uga mudan oo labadaba ka fadli badan Nebi Muxamed SCW .

Masiibada taala waxay tahay Ina adeer kay Ibrahim Hawd Yusuf tiirarkan cad cad ee wax lagu dhiso kuwaas oo u daliila Nebi Muxamed SCW in aanu weligii mushrik iyo gaal toona noqon ma qaadanayaa jawaabtu waa maya. Hore ayaa loola dooday waxaa uu nala qirey in “Axaadiista Qaar” saxeex yihiin kuwii iyo Quraanka labadiiba kuu keenay inaadeer toobad keen oo Xaqa u soo laabo.

Sidee ugu jawaabnaa haddii wixii khuseeyey Shareecadda ee Sunnada ee saxiixa ah sida:

-Tafaasiisha Iimaanka iyo Towxiidka;
-Sharaxaadda Salaada, iyo watiyadeeda;
– Sharaxaadda Zakada iyo dhaqaalaha;
-Sharaxaadda Xajka iyo Cumradda ;
-Sharaxaadda Soonta iyo Axkaamteeda;
-Sharaxaadda Iibsiga iyo macaamilada;
-Sharaxaadda Dhaxalka iyo dardaaranka;
-Sharaxaadda Nikaaxa iyo Qoyska;
-Sharaxaadda Xidhiidhka Siyaasadda;
-Sharaxaadda Axkaamta meliteriga
-Sharaxaadda Axkaamta Jinaayadka
-Sharaxaadda Xuduuda iyo ciqaabta;
-Sharaxaadda Akhlaaqda iyo Edebta;
-Sharaxaadda Xaraanta iyo Xalaasha;
-Sharaxaadda Hilibka iyo Xayawaanka;
-Sharaxaadda xidhiidhka qoyska;
-Sharaxaadda Xidhiidhka waalidka;
-Sharaxaadda Xidhiidhka qaraabadda;
-Sharaxadda Xidhidhka ragga & dumarka ;
-Sharaxaadda Cibaabaadka Sunnada ah;

Quraanku waa duuduub waxaa fasiray Nebiga SCW iyo Sunadiisa.

بِالْبَيِّنَاتِ وَالزُّبُرِ ۗ وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ (44)

{وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى} (3) {إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى} (4) سورة النجم

  • وعن أبي رافع – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – : لا ألفين أحدكم متكئا على أريكته ، يأتيه الأمر من أمري مما أمرت به أو نهيت عنه ، فيقول لا أدري ، ما وجدنا في كتاب الله اتبعناه ) . رواه أحمد وأبو داود ، والترمذي ،وابن ماجه ، والبيهقي في ( دلائل النبوة )

Quraanka iyo Axaadiista tusaale ahaan halkan aan ku qoray waxay cadaanaysa in Axaadiista Nebiga SCW ka ansaxay oo ah tafsiirka iyo cadaynta Diinta Islaamka oo dhan haddii la diido aan qofkaas diiday la doodi karin.

Wixii Nebiga SCW ka taawaaturay oo Sunnada Nebiga SCW loo yaqaan Ibrahim ma aqoonsana sidaa darteed waxkasta oo halkan aan keeno isu keeni meyno.

Waxaa wax loo qorayaa in xujjadda la oogo iyo da’yartu ogaato in maanta ay qolqol walba taagan yihiin cid doonaysaa in Shareecadda Ilaahay inoogu naxariistay inaga fidnaysa. Rasuulku NNKA wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin dad ka dhawaaqaya albaabada Naarta Jahanama cidii ay duufsadaan oo ay ku qanciyaan waxay ku ridayaan Naartaas Jahanama!! Ilaahay ayaan ka magan galay:

عن حذيفة بن اليمان رضي الله عنه قال: كان الناس يسألون رسول الله عن الخير وكنت أسأله عن الشر مخافة أن يدركني، فقلت: يا رسول الله، إنا كنا في جاهلية وشرًّ، فجاء الله بهذا الخير، فهل بعد هذا الخير من شرًّ؟ قال: نعم. قلت: وهل بعد هذا الشر من خير؟
قال: نعم وفيه دخن. قلت: وما دخنه؟ قال: قوم يهدون بغير هديي، تعرف منهم وتنُكر. قلت: فهل بعد ذلك الخير من شر؟ قال: نعم، دُعاة على أبواب جهنم، من أجابهم إليها قذفوه فيها. قلت: يا رسول الله، صفهم لنا.
قال: هم من جلدتنا ويتكلمون بألسنتنا. فقلت: فيما تأمرني إن أدركني ذلك؟ قال: تلزم جماعة المسلمين وإمامهم. قلت: فإن لم يكن لهم جماعة ولا إمام؟
قال: “فاعتزل تلك الفرق كلها ولو أن تعضًّ بأصل شجرة حتى يدركك الموت وأنت على ذلك” (رواه البخاري).

Waxaynu nahay dad ayaan daran oo doonaya dad isyeel yeelaya in aynu qancino!!

Waxaan leeyahay in Ilaahay aan la kulano waqti yar ayaa inooga hadhay ee ku Sabiro oo Xaqa u hiilino!!

Raali gelin: waan dheereyey waxaa igu kelifay Nebi Muxamed SCW ayaa lahaystaa Walaahay ayaan ku dhaartee Ilmo ayaa iga da’aysay inta aan qorayey oo ahayd ilaa saacad iyo wax la jira

Ilaahay ayaa mahad iyo ammaan dhammaanteed iska leh. Nebiga ayaan ku Saliyayaa SCW.

Fure:

SCW: Salalaahu Calayhi Was alamagan
CS: Calayhi Salam

W.Q. Sh Ibrahim Xirsi Galow


Warka Ninka Yidhi Nebigaa SCW Mushrig ahaa xiligii aan loo waxyoon!!!

Waa maxay macnaha ”iimaan” fahanka diineed? Luqadda islaamnimada ee aynnu innaga iyo muslinka oo dhami ku dhaqanno erayga ”iimaan” macnihiisu waa rumaynta Alle iyo waxa uu isagu dadka amray. Falka diineed ee la samaynayaa, sida salaadda iyo soonku, iimaan ma aha ee waa falal cibaado oo hoos yimaadda iimaanka. Sow ma aha? Haddaba Rasuulkdeenna Maxamed, Sallallaacu caleyhi wasallam, Waxyiga ka hor sow mushrig ma ahayn?

Xadiisyo badan iyo in weyn oo ka mid ah Siirada Rasuulku waa beenabuur iyo sheekooyin beri dambe la falkiyay. Xadiisyadaa iyo siiradaa beenabuurka ah waxaa ka mid ah kuwa ina bara Maxamed in uu Waxyiga ka hor ahaa qof Alle doortay oo dhawrsan oo muslin ahaa. Laakiin dhab ahaan Rasuulkeenna intii aan Waxyigu ku soo dagin sow ma cadda in uu ahaa mushrig la mid ah mushrikiinta Carbeed ee tolkii ah? Miyuu yaqaannay kitaab iyo iimaan waxa ay yihiin? Aayadaha Quraanka ah ee ina baraya in uu mushrig ahaa, oo aanu kitaab iyo iimaan aqoon, aad ayay u badan yihiin. Labadan tusaale ee degdegga ah uun bal i la eeg.

Ilaahay isaga oo la hadlaya Maxamed oo Waxyiga ka hor Qureesh ka la mid ahaa mushrignimada, dharka nijaasta ah iyo sanam-caabudnimada, suuradda 74-aad ee Quraanka Kariimka ah, magaceeduna yahay ”Muddasir” shanteeda aayadood ee u gu horreeya wax uu isu daba dhigay xaqiiqadan:

يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ ﴿١﴾ قُمْ فَأَنذِرْ ﴿٢﴾ وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ ﴿٣﴾ وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ ﴿٤﴾ وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ ﴿٥﴾

”Waar qofkaagan duudduubanow kac (1) Kac oo dadka u dig (2) Kac oo Allahaaga weynee (3) Kac oo dharkaaga daahiri (4) Kac oo sanam-caabudnimada ka fogow (5)”.

Boqol siyood oo wada ujeeddaysan oo wada been ah ayay afmiishaariinta aan diinta runta ka sheegini aayadahaa u fasireen. Tobannaan aayadood oo si faseex ah inoo baraya Maxamed in hanuunkiisu la bilawday Quraanka ku soo dagay ayaa la beddelay oo macnayaal aanay qaadan karin loo rogay. Aayadda 52-aad ee suuradda Shuuraa wax ay caddaynaysaa:

وَكَذَلِكَ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا مَا كُنتَ تَدْرِي مَا الْكِتَابُ وَلَا الْإِيمَانُ وَلَـكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَن نَّشَاءُ مِنْ عِبَادِنَا وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ﴿٥٢﴾

”Sidaas baannu Quraanka awooddayada kuu gu waxyoonnay [Maxamedow], mana aad aqoon waxa uu kitaab yahay iyo waxa uu iimaan yahay, laakiin annaga ayaa Quraanka ka dhignay ilays aannu ku hagno cidda aannu doonno addoomahayaga, sidaas baanad u gu hanuunsan tahay tubta qumman”.

Aayaddan sidaa aad aragto u cad ayay afmiishaarradu ku macneeyaan in ay ka hadlayso tafaasiisha hoose ee diinta, sida cibaadaadka, ee aanay ka hadlayn rumaynta Alle iyo Quraankiisa. Laakiin qof garaad fayowi miyuu aayaddaa macnaheedu mugdi ka ga jiraa? Maya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.