Dibadbax Ka Dhan Ah Ciidamo Burundi La Geeyo Oo Ka Dhacay Magaalada Bujumbura.

0

Kumanaan ruux madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza taageersan ayaa shalay oo Sabti ahayd ka dhigay Bujumbura dibadbax ay kaga soo horjeedaan in 5,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah oo ka socda ururka Midowga Afrika la geeyo Burundi.

 

Ciidamadan ka socda Midowga Afrika ayaa la sheegay inay ka hor-tagayaan in xasillooni-darradu ay kusii baahdo Burundi, iyadoo waddankaas ay tan iyo bishii Abriil ee sannakan ka socdeen rabshado ay boqolaal qof natooda ku waayeen.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Burundi, Gaston Sindimwo oo sheegay in ciidamada Burundi ay Awoodaan inay joojiyaan Rabshadaha ka socda dalkaas; ayna ilaaliyaan ammaanka dalka oo dhan.

Sidoo kale, bannaanbax weyn ayaa ka dhacay gobolka Ngonzi oo ah kan uu ka soo jeedo Madaxweynaha Burundi, isla markaana ah mid uu awood ballaaran ku leeyahay Xisbiga talada waddankaas haya.

“Burundi marna ogolaan mayso in ciidammo ka socda ururka Midowga Afrika la keeno,” ayuu Sindimwo yiri, isagoo intaas ku daray. “Burundi waa waddan xubnaha uu ka kooban yahay ururka Midowga Afrika ka mid ah, mana ogolaanayno in dalka la keeno ciidamada uu urur sheegay inay go’aansadeen inay dalkeenna keenaan.”

Alice Nakuto oo xubin ka ah ururka xisbiga xukuma dalka Burundi ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay dibadbaxii ka dhacay gobolka Ngonzi ayaa AP u sheegay. “Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego Midowga Afrika inaysan shacabka Burundi intooda badan doonayn in dalkooda ciidammo la keeno.”

Horraantii bishan ayaa 87-qof lagu dilay magaalada Bujumbura, kaddib markii la weeraray saddex saldhig oo ay lahaayeen ciidanka Burundi, iyadoo dowladda Burundi ay dadkaas la dilay ku tilmaamtay kooxihii xeryaha ciidanka weeraray.

Rabshadaha ka socda waddanka Burundi ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 400 ooqof tan iyo bishii Abriil ee sannadkan, iyadoo ay dalkaas ka barakaceen 220,000 oo qof, kuwaasoo magan-galyo ahaan u galay dalalka dariska la ah Burundi.

Xukuumadda Bujumbura ayaa toddobaadkii hore diiday in dalkeeda la keeno ciidan nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika, waxaana sidoo kale diiday baarlamaanka Burundi, kaddib kulan ay ku yeesheen Bujumbura.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afirka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza in uu aqbalo in ciidan nabad ilaalin ah la geeyo waddankiisa, si ay u difaacaan rayidka. Iyadoo lagu wado in Berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka December lagu qabto magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda kulan dhex-dhexaadin ah, kaasoo la filayo inay ka qayb-galaan 14 kooxood oo ka jira dalka Burundi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.