Dib u Eegid Nidaamka Xisbiyada Somaliland.

0

Dadka reer Soomaaliland intooda badani maalmahan waxa ay ku jiraan kalkii waalida oo wax aan olole xisbi ahayni dhegahooda ku dhici maayo.

Haddana aan bal intan iskaga darsado maanta laga yaabe inay inta degganaanshuhu ku danbeeyo weli ay ka falceliysaaye, sidoo kalena inta waalidda ku jirtaa marka ay miyirsato dib u milicsataaye.

Ugu horreyn waxa aynnu Alle ka baryeynnaa inay tijaabadani si nabad ah inagu dhaafto nimankaa tartamayana midka dadkan diintooda iyo dadnimadooda u roon Alle u soo saaro.

Doorashada ka dib, waa in la garowsado in aanu nidaamkani ina dhaqaynin, sidaa awgeedna waa in waxgaradka bulshadani dib isugu noqdaan, lana raadiyo xal kan dhaama oo ummaddan wadajirkeeda iyo mustaqbeelka dhisi kara.

Haddii sidaa la yeeli waayo, isla markaana lagu sii socdo sidan xaalku yahay, oo xisbiyadii dib loo furo mar kale, waa in la helaa saddex xisbi oo ka soo kala jeeda beesha dhexe, beelaha galbeedka iyo beelaha bariga Soomaaliland, sidaana lagu caddeeyo xeerka xisbiyada.

Sidaas waxa aan u leeyahay saddex qodob tixgelintood:

1- Maadaama oo aanay jirin, jirina doonin wax lagu kala duwan yahay oo aragti ama qorshe siyaasadeed ahi, waa in lagu kala duwanaadaa deegaannada iyo qabiilooyinka waaweyn ee sare.
2- Waa in ay beelaha darafyadu helaan fursad ay ula siman yihiin beesha dhexe oo ay dalkan la wada leeyahay ku hoggaamin karaan.
3- Waa in laga gudbo inay xisbiyada isku urursato beesha dhexe ee habar habarta u badani, sida foosha xunna isugu muuqataa, si isu muuqashadoodu ugu baahdo xisbiyadaa kala geddisan ee tartamaya.

Inkasta oo laga yaabo inay talo wakhtigeedii ka hordhacday noqoto, haddana yeelkadeede iga dhan intaasi, wax danbena idamka Alle waan odhan doonaa.

Dr Cabdiqani Beder

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.