Dib iskugu noqo waxbaa khaldanne. Barkhad-ladiif Mohamed Omar

0

Inta badan dadka maskaxda ka jirin waxa ka soo burqada xikmado badan, waxaan dhagaysanayey nin xanuunka maskaxdu hayo, kaligii ayuu isla sheekaysanayaa, wuu duryamayaa, waxa uu ku celcelinayaa Mobiladdan lacagta lagu shubanayaa barakaddii bay lacagtii ka qaadeen, waar Mobiladan ha la joojiyo, nin sidayda u dhagaysanayey baa ku yidhi “ waar maxaad maanta mobiladda kugu diray” ninkii xanuunsayey waxa uu ku jawaabay “ waar xoolihii la iibsanayey ayey xiitaa barakadii ka qaadeen, awal hore marka xoolaha la iibiyo shaxaad iyo lacag baa laga heli jiray, imika marka neefkii la iibiyaba mobilkaa lagu shubaya lacagtii la tirin jiray, kuwii soo qaadi jiray ama xamaali jiray iyo kuwii ka faa’iidi jiray midkoona ma jirto ee ha la inaga joojiyo”.
Isagoo wali ninkii sidii u hadlaya waxa meeshii yimid nin ay is garanayaan oo gacan jaban, wuxuuna ku yidhi “waar hebel iska waran’, ninkii maskaxda ka jiranaa wuxuu ku jawaabayey “ waar hebel waatan gacantii ku bugsan waydee (ninkan uu la hadlay gacan baa jaban oo xadhig baa qoorta ugu xidhan) maxa khaldan,” isagoo kii ka jawaabin ayuu hadana ku celiyey “ ma caruur aanad dhalin oo wax u tahay ayaad haysaa” ninkii gacanta jabnaa baa ugu jawaabay maya ma hayo, kii waalnaa baaa yidhi “ haddaa ma wax baa kugu fagaday waatan gacantii ku bogsan waydee, in badan baan ku arkayey iyadoo gacantaasi ku xidhan tahee waatan ku bogsan waydee, dib iskugu noqo waxbaa jire ilaahay ha inna dhawree”.
Qof qof lagu jiraa jire’e, waxaan is idhi ninkan wax baa ka hadlinaya, laba su’aalood oo muhiim ah oo haddii ay jiraan khatar ah ayuuu waydiiyey “ mid wuxuu yidhi ma caruur aanad dhalin oo aad koraysa jira, waxaan u fahmay caruurta ayey wax ka soo raaceene xanaanayntooda ilaali oo si wanaagsan ula dhaqan , markii uu ninkii maya yidhi , wuxuu yidhi hadaa dib iskugu noqo waxba khaldan waana ta keentay in gacantaadu hore u bogsan waydo, runtii aad bay su’aalahaasi isoo jiitay ninkii dareen in uun lihi wax badan buu ka fahmi karaa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.