Dhulka Soomaalidu Degto!¹ Waxa Qoray: Wasiir Cismaan Dubbe²

0

Dhulka Soomaalidu Degto!¹
Waxa Qoray: Wasiir Cismaan Dubbe²

Waxa laga yaabaa in qofka Soomaaliga ah ee noolaa maalintii dhulkiisa sida keegga loogu googoynayey Baarliin ee 1884-kii uu aaminsanaa in masiibo taa ka xoog badani aanay soo mari doonin Soomaali. Waxa kale oo laga yaabaa in qofka joogay maalintii dayuuradda ee Daraawiishi jabtay uu is lahaa tolow maxaa xigi, sida uu cabbiray gabayaagii Salaan Carabey:

Haddii aqalka daahiisu go’o daakhilkaa xiga’e
Nin la diley maxaan kaga digtaa sow ma daba joogo.

Waxa kale oo laga yaabaa in qofka Soomaaliga ah ee noolaa maalintii shan iyo sagaashan sanno heshiiskaas kaddib lagu soo jabay dagaalkii 77-kii uu is lahaa tolow jabkaas mid ka xun ma soo mari doonaa Soomaali. Waxa kale oo laga yaabaa qofka u soo taagnaa dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ee sababay in magaalo iyo degmo kasta oo Soomaaliyeed dadku ka qaxaan uu is lahaa tolow tan mid ka darani Soomaali ma soo mari doontaa.

Waxa kale oo laga yabaa qofka u soo taagnaa 15-kii shir ee ma-dhalayska ahaa ee loo qabtay horjoogayaasha Soomaalida, si mar uun loo arko qaran Soomaaliyeed oo calan leh, uu is lahaa tolow qaranjabkaas mid ka xumi ma soo mari doonaa Soomaali.

Waxa laga yaabaa qofka Soomaaliyeed ee nolol ku soo gaadhay maalintii ciidamada Itoobiya ka soo tallaabeen labada buundo ee webi shabeelle ee Buulo Berde iyo Afgooye iyaga oo ku soo wajahan Xamar, ciidankii joojin lahaana Jubbooyinkii soo socday in uu is lahaa tolow maanta maalin ka xun Soomaali ma soo mari doontaa.

Xaaji Aadan Af-Qallooc wuxu yidhi, “Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego.’’

Intaas oo masiibo oo Soomaali soo martay 130 sanno gudahood, waxa jirey mar kasta wax u kala reebnaa ama wax ma guuraan ahaa oo lama taabtaan ahaa, taas oo ahayd #Soomaalinimada iyo dhowrsanaanta dhulkeeda. Xitaa gumeysigii wuu ka xishooday in uu yidhaahdo dhulka Soomaalidu ma leh ee anaa leh, oo wuxu u beddelay dhulka Soomaalidaa leh, laakiin anaa la leh sida French Somaliland (Dhulkii Soomaalida ee Faransiiska), Italian Somaliland (Dhulkii Soomaalida ee Talyaaniga,) British Somaliland (Dhulkii Soomaalida ee Ingiriiska). Bal ka warama haddii ay maanta taas soo dhaaftay.

Waxa beryahan socda weerar u eg kii kama dambaysta ahaa ee lagu dhaxal wareejinayo dhulka Soomaaliyeed, dadka Soomaalidana lagu sii kala geynayo arimahaas oo ka daran kuwii aynu xagga hore ku soo sheegnay.

Ma maqashay labadan kelmadood:

1) Dadka af Soomaaliga ku hadla.

Maalintii koowaad ee aan maqlay kelmaddan dadka af Soomaaliga ku hadla, waxa ay igu ahayd wax cusub oo aanan weligay hore u maqal, waxan aqaannay oo ku soo koray dadka Soomaaliyeed. Laakiin dadka af Soomaaliga ku hadla waa kelmad cusub oo lagu beddelay taas hore aynu u naqaannay. Kelmadani maaha mid afka laga yidhi, maaha mid ku timi si kama ah, mana ah midaan ujeeddo laga lahayn. Muddo badan waxa laga shaqaynayey kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo hadafkaas gurracan waxa la abuuray colaado aan dhammaad lahayn, waxa la fidiyey dacaayado aan kala go’ lahayn waxa la isticmaalay tab kasta oo lagu kala dili karo quluubta shacabka Soomaaliyeed. Laakiin nasiib darada ku dhacday kuwii fikirkaas watay waxa ay tahay dadka Soomaaliyeed oo ah dad gebi ahaanba aanu jirin wax qaybiyaa waa kala fogaan waayeen waana kala go’i waayeen. Dadkii Soomaaliyeed diin waa lagu qaybin waayey oo waa wada muslim, sunni ah, oo shaafici ah; afka ay ku hadlaan, midabkooda, dabeecaddooda, kala guursigooda, kala ganacsigooda iyo is gacan qabashadooduba waxay noqotay wax la loodin kari waayey. Waa markaa marka taladan cusubi timi ee ah kala dhufasho iyo dhaxal wareejin.

Haddii aad dhegeysato idaacadaha, akhrido joornaalada, ama websaydyada waxa kugu soo noqnoqonaysa kelmadda ah (dadka af Soomaliga ku hadla) oo maxaa loola jeedaa, waxa si cad oo aan mugdi ku jirin loola jeedaa waa dad aan waxba isu ahayn oo af keli ah ku wada hadla. Waa sida dadka af Faransiiska ku hadla, ama dadka af Ingiriisiga ku hadla. Kelmaddan (dadka af Soomaliga ku hadla) waxa lagu beddelay oo sida aynu kor ku soo xusnay halkeedii lagu beddelay kelmaddii hore ee asalka ahayd ee ahayd (dadka Soomaalida ah). Dadka af Ingiirisaga ku hadlaa waa dad aan waxba isu ahayn, xitaa isku diin ahayn isku midab ahayn isku dal ahayn isku dad ahayn. Hindiya waxa lagu tiriyaa waddamada af Ingiiriisiga ku hadla, halka Jaad iyo Sinigaal hormuud ka yihiin dadka af Farasniiska ku hadla. Weligaa ma maqashay dadka Noorwiijka ku hadla, MAYA. Weligaa maqli maysid, laakiin waxad maqlaysaa dadka Noorwiijka ah.

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal an sheego,

Aniga oo taa aan soo sheegnay la yaabban ayaa waxa haddana soo baxday kelmad kaba sii qoto fog oo ah:
2) Dhulka Soomaalidu degto.

Xaalku sow ma aha tuba tu’ ku illow. Dhulka Soomaalidu miyey degtaa mise way leedahay. Bal yar dhadhami haddii aad maqasho dhulka Jarmalku dego. Waxa taas ka dhalanaya muran sharciyeed (legal arguments) oo ku saabsan cidda leh dhulkan aad deggan tahay. Taariikhda Soomaalida mar ayay tan oo kale dhacday waa markii gumeysigii Ingiriisku Boqorkii Abbysinia rabay in uu guddoonsiiyo qaybo ka mid ah Soomaali Galbeed ee uu ku magacaabay Hawd and Reserved area (Dhulkii kaydka ahaa). Soomaalidii xiligaas joogtay arrintaas waa ka gil gilatay oo waxa ay si cad u sheegeen in ay Hawd yaqaanaan laakiin Resereved area yay riseef ama kayd u tahay illeen dhulka anagaa lehe.

Haddii aynu dib u yara milicsanno raadraaca halka uu ka yimi erayga dhulka Soomaalidu degto waxa uu ka mid ahaa hadalo ay caan ku ahaan jireen Xayle Salaase iyo Joomo Keenyaata. Iyaga oo ku celcelin jirey in dhulka Kiiniya leedahay laakiin Soomaalidu degto, sidoo kale dhulka Soomaali Galbeed in Itoobiya leedahay laakiin Soomaalidu degto. Iyadoo arrintuna ahayd sidaa lidkeeda oo dhulkana Soomaalidu leedahay iyaguna ay maamulaan ama haddii aan si kale aan u dhigo iyaguna ay guriga ijaar bilaa lacag ah ugu jiraan, annaguna aannu nahay dadkii guriga lahaa (Illegal tenants and the landlords).

Qorshihii gurracnaa ee lagu soo tijaabiyey NFD iyo Soomaali Galbeed ayaa maanta ku socda dhulweynihii kale ee Soomaaliyeed. Illaa la gaadhsiiyey in ay horjoogayaashii Soomaalidu ay isticmaalaan labadan kelmadood ee ka daran kana xoog badan wixii dhagar soo maray ummadda Soomaaliyeed ee kala ah: dhulka Soomaalidu degto iyo dadka af Soomaaliga ku hadla.

Hore ayaa qoraa Soomaaliyeed ugu tilmaamay sidii la inoo qaybiyey “Garbaduubkii Gumeysiga,” tanina maanta waxay u eg tahay “Garbaduubkii Labaad ee Gumeysiga.”

Nasiibdarradu waxa ay tahay ragna waxa ay marayaan jagadii (nin adduunka qaybtiisi cunay, qaarna ku amaahday) ninna wuxu diyaar u yahay in uu khaaddim u ahaado kaas dhaxal wareejinaya, isaga oo ayidaya kuna celcelinaya in dhulka uu dego ee aanu lahayn. Waxa kale oo meesha laga saaray naxariistii uu Rabbi ina faray in aan ku eegno walaalaha kuna adkaano cadaawaha, halka nacabkuna inagu wada eegayo isha keli ah. Sida hore ba looga sheegay Mengistu markii uu lahaa aniga Soomaali ha ii kala sheegin ee isku tiriyoo imisaa ka wada dhintay Soomaalida.

Haddii aan dib ugu laabto dhaqankii awoowayaashay marka sidan oo kale ay la soo gudboonaato arrin dhabarjab ku ah jiritaankooda sida Garbaduubkii Koowaad ee gumeysigu garbaduubay ma aysan aamusi jirin ee waxa ay ku cabbiri jireen suugaan. Sidii Faarax Nuur ba boqol sanno kahor u lahaa,

“Ingiriis Amxaar iyo Talyaan way akeekimiye,
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone,
waa duni la kala iibsadoon nala ogeysiine.”

Sayid Maxamed na uu lahaa,

“Waa noo ged leeyaan dadkii gaalada ahaaye,
Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gammuuneeye,
Waxna uumaanan geysane dulmay nagu Gelaayaane.”

Timacaddena uu u lahaa,“Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu,” Cismaan Yuusuf Keenadiid na u lahaa, “Waar Soomaali waa maqantehee seexashada diida.” Barre Maxamed Fiidow na uu lahaa, “Waxbaa salagle subaggii qubaa loo sanqanayaaye, saylad cadowgu uu sahansadoo loo socdaan nahay.”


¹ Qormadan oo ciwaankeeda asalka ahi ahaa, “Garbaduubkii labaad ee gumaysiga” waxa ay soo baxday 2009.

² Cismaan Abokor Dubbe, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.