Dhismaha Wejiga labaad ee Waddada Isku Xidhaysa Hargeysa iyo Balligubadle oo la Bilaabay

0

Hargeysa (Sayruuq)-Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada isku xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle, ayaa shaaciyey inay bilaabeen toban killo mitir oo cabbirka dhismaha jidkaas ka dhigaya 15 km, kuwaasoo dadweynaha iyo qurba-jooga Somaliland ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhamaystirka jidkaas.

waddada la samaynayo

Xubnaha guddida jidka Balli-gubadle oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balli-gubadle, taasoo ay tilmaameen inay waxtar weyn u yeelanayso isku xidhka iyo horumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxa aannu bilawnay wejiga labaad ee dhismaha jidka, kaas oo socday intii ay ramadaan bilaaban tahay. Wejigan cusub ayaa runtii dardarkiisa iyo hawshiisaba iska wata, waxaanan rajaynaynaa Insha Allaah in uu si fiican oo guul ah ku dhamaado. Waxa uu wejigan labaad noqonayaa 10 km oo halka ay waddadu ka soo bilaabanto aanu kaga dari doono ilaa laba kiilo mitir iyo sideed xaga hore ee degaanka Habaas-weyn ah, waxa aan rajanaynaa in sidii looga qaybqaadan jiray insha allaah looga wada qaybqaato.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Mubaarak Muuse oo ka mid ah Guddida dhismaha jidkaas.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Eng. Maxamed Muuse oo ku jira guddida dhismaha jidka Balli-gubadle, waxaannu yidhi; “Waxa bilaabmay wejigii labaad ee dhismaha waddada Balligubadle iyo Hargeysa isku xidhaysa, taasoo laba qaybood kala ah, qaybtan oo ilaa Habaas-weyn ah iyo qaybta labaad oo inagu xidhaysa waddada Hargeysa.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Cismaan Cilmi Kediye oo ka mid ah qurba-jooga reer Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Hawd, kaasoo bogaadiyey guddida dhismaha jidka Hargeysa iyo Balligubadle, isagoo fariin u diray guud ahaanba qurba-jooga, kana codsaday inay ka qaybgalaan sidii loo dhamaystiri lahaa jidkaas.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.