Dhibaatada Uu Dhaqaalaha Somaliland Gaadhsiinayso COVID 19

0

W/Q Badar Cabdi Cadhood

Cudurkan saf mareen ka ah ee ‘coronavirus” aduun kiina kala xanibey, saameynta uu ku leeyahay bini-aadamka marka laga tago, waxa uu si ba`an u saameeyey dhaqaalihii aduun weynaha. Cudurkan sida weyn u faafayaa, waxa uu muhalako ku noqday dhaqaalihii caalamka. Sadhadan aduunka wada saaqday ee “coronavirus’; wuxuu ku dhacay oo safmareen ahaan umaray suuqyadii caalamka oo dhan.

Suuqyadii ugu waaweynaa caalamka waxaa ka yeedhaaya qaylo dhaan badan, wadamadii lahaa warshadaha waxaa soo wajahday xaalad dhaqaale xumo. Wadan kasta waxaa is dhimay wax soo saarkiisii, sidoo kale waxaa hoos u dhacay wax kala iibsigii suuqa.

Dhaqaalaha aduun ka waxaa soo wajihi doona wakhtiga dhaw dhaqaale xumo baahsan (short term). Wadankastaana waxaa saameyn taban ku yeelan doona suuqiisa iyo wax soo saarkiisa. Suuqyadii ugu waa weynaa xaga kala iibsiga, wakhtigan la taagan yahay albaabada ayaa haawanaaya.

Saameynta wakhtiga dhaw ee dhaqaale waxay noqoneysaa, ififaaleheediina ay leedahay dhacddadii aduunka soo martay 1930 ee (greet depression). Wadan kastaaba wuxuu u xadhko xidhay sidii uu suuqiisa u badbaadin lahaa, xaalada soo wajaheysana uga hor tagi lahaa. wadan kastaaba waxa uu isticmaalayaa xeelad uu ku dhaqaajiyo wareega suuqiisa (circulation market).

Xaaladan haleeshay wax kala iibsiga aduunka, saameyn teedu waxay adhax jab ku noqoneysaa wadamadda soo koraaya, sidoo kale waxay saameyn laxaadleh ku yeelan doontaa ganacsiga yaryar, ee soo koraaya. Hoos u dhaca ku yimid suuqa in lala tacaalo waxay qaadaneysaa mudo. Dawlad kastaaba waxay xooga saareysaa sidii ay dabiib caafimaad ugu heli lahayd dadkeeda iyo sidii ay ula tacaali lahayd suuqeeda.

Dawlada soomaliland waxaad moodaa inaaney ilaa hada kaba fekerin xaalada dhaqaale ee ku soo wajahan suuqyada, kaliya waxay indha-hoodu hayaan xaalada caafimaad oo qudha. Xaaladan inagu soo fool leh waa iney dawladeenu daraasado horleh, iyo sidii ay uga gaashaman lahayd ee suuqeeda u badbaadin lahayd falowgeed keentaa.

Kala iibsiga suuqa (Paying Market)

Suuqa Soomaliland laba jeer ayuu aad u kacaa, wareega dhaqaale ee uu sameeyaana uu wanaagsan yahay. Wakhtiyada labadda ciidood iyo wakhtiga ay dalka ku soo laabtaan qurbe joogtu, waa labada wakhti ee suuqa soomaliland is bedelka laga dareemo. Waxaa inagu soo fool leh bishii ramadaan, bishan horaan teeda suuqa waxaa soo gala dhaqaale doora, oo si muuqda uga qeyb qaata wareega suuqa (circulation market). Sidoo kale isla bishan dhamaad keeda waxaa suuqa soo gala dhaqaale xoog badan, waxaana kor u kaca wax kala iibsiga suuqa. Dawlada soomaliland bishan waxay faa`iidaa cashuur badan oo ay ka hesho xoolaha la dhoofinaayo, ee loo waarido waddanka sucuudiga. Qurbejoogtu bishan waxay suuqyada soomaliland ku soo kor dhiyaan dhaqaale badan oo ay u soo diraan eheladooda.

Xawaaladaha (Remittances)

Xawaaladuhu dalka waxay soo galin jireen lacag ta doolarka (had currency). Sidoo kale waxay isku xidhe u ahaayeen una fududeyn jireen ehelada kala fog ee isa soo caawinaaya. Waxaana ay qeyb muhiima ka ci yaari jireen dhaqaalah dalka. Qurbejoog tana waxay u fududeyn jireen, iney dalka so galiyaan lacagta doolarka.

Isu socodka iyo dalxiiska (Traveling and Tourism)

Isu socodka iyo dalxiiska. Wallow dalxiisa yaasha inoo yimaadaa ay ahaayeen qaar aad u yar, hadana waxaynu ku qabnay dhaqaale, si kala duwan suuqeena u soo gala. Intan kala xanib ku dunida ku dhacay iliishan dhaqaale way inaga xidhan tay. Isu socodka oo dakhli cashuureed oo fiican dawladda ka soo gali jirey isna meesha waa ka baxay. Ganacsatadeenii aduunka u safri jirtey ee dalka dhaqaalaha soo galin jirey, ishani way ka soo xidhan tahay; waxaanay shacabka u taabaneysaa si dadban oo suuqii waxaa kor u kacay wax kala iibsigii bedecooyinka kala duwan.

Deeqihii aduunku ina siin jirey (Donation)

Dawladdu waxay heli jirtey deeqo kala duwan oo mashaariic horu marineed loo siin jirey, suuqyadana si dadban u soo gali jirtey. Wadamadda daneeya soomaliland, ee deeqaha kala duwan siin jirey waxaa aad u ha dheeyay suuq xumaan tan uu xanuun kani sababay. Waxaana hakad gali doona deeqahaa aynu dawlad ahaan iyo shacab ahaanba ina saameyn jirey ee inagu dhex wareegi jirey.

Dawladu waa iney fiiro gaara u yeelataa suuqeeda iyo lacagta dhex wareegeysa, waana iney markasta xog`ogaal u ahaataa suuqyadii caalamku sida ay ula baaxaa degayaan dhaqaale xumadan soo food saartay. Bangiga dhexe ee soomaliland ‘central bank” waa inuu ka warheyn fara badan ka hayaa suuqa, sidoo kale dawlada dhexe waa iney dardar galisaa siyaasada ay ka leedahay xaaladan soo fool leh.

Dawladda dhexe waa iney hir galisaa siyaasada (Fiscal policy), sidoo kale baanka dhexe isna waa inuu boodhka ka jafaaa siyaasada (monetary policy). Xukuumada soomaliland waa iney xayiraad saaraan (restriction), ama yareeyaan wax yaabaha aan muhiim ka aheyn, dalkana ka saaraaya lacagta adag.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.