DHH iyo Xaaladda Hargaysa!

0
DHH iyo Xaaladda Hargaysa!

DHH iyo Xaaladda Hargaysa!

Dhulkiinnii waan boobayaa, adeeg idiin qaban maayo, cashuurtana sandulle ayaad ku bixinaysaan, qofkii hadlana waan u hanjabayaa oo ciidamada ammaanka ayaa soo baadhaya cidda uu u shaqeeyo. Intaasba waannu ka yeelnay illeen ummad dhoohan ayaanu nahaye.

Imminkana waxa ay marayaan haddii aydaan lacag keenin, tii hore ka badan waliba Ilaahay ballankii inaannaan hal waddo taabanayn oo annaga iyo qalabkuba halkaas ayaannu iska fadhiyaynaa. Alla maxay inna fahmeen nimanku. Haadee, soo innagu maynaan dooran oo imminkaba qaar tolnimo ku difaacayaa daf inna soo odhan maayaan!

DHH sida ay doonaan ha innoogu galgashaan’e Yaa Ilaahay yaqaanna oo innaga aamusiya uun?

Istaaqfurallaah. Waar horta waxa aan idin waydiiyay, 40% dadka gartay’e 60% ka ay yidhaahdeen waannu bixinnaa yaa innaga huba? Anigu kollay isma lihi waa wax jira.

D daacduunka
H hadheyay
H hargaysa
Xamse Cumar Ku Joog

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.