Dhawr Toban Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool

0

Laascaanood(Sayruuq) Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa sheegay in 11 qof dhimatay 13 kalena dhaawacmeen inta la og yahay kadib markii galinkii dambe ee Salaasada dagaal ku dhexmaray laba beelood degaanka Miyiga ah ee Guburta Cagaaran. Halka lagu dagaallamay ayaa 75km dhinaca koonfur ka xigta magaalada Laascaanood waxaanay ku taal xadka Itoobiya.

Guddoomiyaha Sool iyo dad kale ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku ka bilawday aano qabiil. Beelaha halkaasi wada degan ayaa 10-kii sanno ee u dambeeyay dhawr jeer dagaallamay waxaana jiray heshiisyo hore oo ay dhex dhigeen dad u gurmaday.

“Waxaa tuulada ka bilaabmay dagaal, runtii ma sheegi karo cida duulaanka bilawday waxaanse hubaa in ay  dadbadan dhinteen” sidaa waxaa wariyaha Laascaanood ee Hiiraanonline u sheegay nin  reer guuraa ah oo deganaa meel u muuqata tuulada.

Gurmad xoogan ayaa ka sicinaya labada dhinac, kuwaas oo Ku sii qulqulaya deegaanka dagaalku ka socdo oo ahayd tuulo dagaal soo noqnoqday hadheeyey oo ahayd waqtigan mid ay  ku yar yihiin dadka rayidka ah.

Ma muuqato wax dhaqdhaqaaq ah oo sidii colaada loo joojin lahaa iyadoo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya at dhawr jeer oo hore wax ka qabatay go’aano adagna dhex dhigtay balse aanay noqon mid shaqeeya.

Xigasho: BBC Iyo Hiiraanonline

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.