Dhawaaqa Isbahaysiga Murashixiinta Ee Af-duubka Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Dooda Guddoomiyaha Xisbiga

0

Dhawaaqa Isbahaysiga Murashixiinta Ee Af-duubka Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Dooda Guddoomiyaha Xisbiga

“Waxaanu U Aragnaa Inaanay Maanta Jirin Saaxad Cadaalad Ah Oo Lagu Tartami Karo” Maxamed Biixi Yoonis

“Ma Jirto Cabasho Aniga I Soo Gaadhay, Markaa Hadalada Warbaahinta Laga Leeyahayna Waxaan U Arkaa Goolaaftan..” Muuse Biixi

Hargeysa (Sayruuq)-Qabsoomidda shirwaynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxaa ka dhashay khilaafkii ugu cuslaa ee soo kala dhex galay Xubnaha Xisbiga iyo waliba Murashixiinta ku tartamaysa Xisbiga dhexdiisa.

 

Garabka Isbahaysiga Murashixiinta oo ka kooban Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa si adag uga hadlay qaban qaabada shirka waxaana ay tibaaxeen inuu shirku u afduban yahay shakhsi gaar ah kaa soo ay ula jeedaan Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay sheegeen inay go’aan qaadan doonaan haddii sidaasi lagu sii wado xaajada.

Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay afduubka ay sheegeen inuu shirku ku socda aaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaanu halkan iskugu kiin yeedhnay inaanu laba kelmadood ka nidhaahno arrimaha Xisbiga KULMIYE oo ay ugu muhiimsanayd warbixintii ay soo gudbiyeen labada Guddoomiye kuxigeen ee garabkayaga ee Waabeeye iyo Talyanle oo aanu u dooranay sidii Madaxwaynuhu markii hore nagula taliyey in afar xubnood iyo Cadami ay maamulaan oo ay dhex ka noqdaan hawsha ka socota Xisbiga oo marka hore nin u afduubnayd waanu aqbalnay, labadayadii xubnood waa la diidey, sidaad la socotaan labadii hogaan ee aanu dooranay maadaama aanay saaxad cadaalad ah oo noo banan oo lagu tartami karo oo ay meeshii huursan tahay  (waxay goosteen inay ka baxaan gudida) waxaanu anaguna ku taageeraynaa go’aankaas ay qaateen” waxaana uu intaasi raaciyey “Waxaanay maanta u muuqataa inaanay u muuqan sida wax loo wado in la doonayo cadaalad iyo xaq lagu maamulo tartanka, oo tartankii nin u afduuban yahay, tagistii uu Madaxwaynuhu tagay xarunta dhexe ee uu sii galbiyey Murashixii kalena ay iyaduna keentay foolxumo badan oo aan loo baahnayn inuu Madaxwaynuhu muujiyo inuu dhinac yahay, waxaanu leenahay haddii aan la joojin sida wax loo wado ee aanu cadaalad darrada u aragno in xisbigani uu taagan yahay albaabkii UDUB, haddii aan arrinkaas laga noqon annaguna wixii nala gudboon ayaanu yeeli doonaa anaguna nabadda ayaanu jecelnahay laakiin maanta waxaad moodaa inaanu meesha ka muuqan tartan xalaal ah “

Geesta kale Guddoomiyan Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay jirin cabasho rasmi ah oo soo gaadhay xafiiska Xisbiga, waxaana uu sheegay in wararka warbaahinta la isku marinayaa kaliya ay tahay goolaaftan Siyaasadeed, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “illa hadda ma jirto wax cabasho ah oo shirkaas ah oo cidda murashax ah ama hawlwadeenka ah oo ay ka cabatay oo distoorka u cuskutay oo isoo gaadhay oo dadka u soo gudbisay ma hayo, mar haddii aanay jirin cabasho rasmi ah oo Xisbiga soo gaadhayna waxaan galo oo aan ka garramo garan maayo, waxaa warbaahinta laga hadlayana waxaan uun u arkaa goolaaftan siyaasadeed oo dadka lagu rux ruxaayo goolaaftankana ninka siyaasiga ah xaq ayuu u leeyahay, shir walibana buuqiisa ayuu leeyahay” ayuu yidhi Muuse Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.