Dharaaro Xusuustood..Q36aad

0
Saleebaan Cali Koore Oo Ka Sheekeeyay Qiso Dhex Martay Marxuum Cigaal

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 36aad

“Waar bal ila jiid waa Jabuutoo war Jamhuuriyaddaan ku darayaa”

Lixdamaadkii aya idaacadda Jamhuuriyaddii Soomaliyeed laga qaadi jiray heestaasi, markii Soomaali-weyn loo jibaysnaa. Dhowaan markii ergooyin ka kala socda Xukuumaddaha Soomaaliya iyo Somaliland ay ku kulmeen shir ay ku wadahadlayeen oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa arrimo xiisalihi ka dhaceen oo i xasuusisay heesta kor ku xusan oo Reer Djibouti aanay jeclayn hore iyo gadaaltoona.

Shirka waxa ka qaybgallay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ergay ka mid ah qoladii reer Soomaaliya, ayaa isaga oo ka dayrinaya gooni-isu-taagga Soomaliland yidhi; “Ma oggolin kala go’, waxa qolad ahayd in la oggolaado inay Djibouti go’do.” Qoladii Reer Djibouti waa baa u beryey. Tolow qolada Kenya iyo Itoobiya ma ogyihiin in sheekadii Soomaali-weyn inaanay Shabaabka keli ku ahayn ee qolada Damu-jadiid ay la qabaan.

Waxa kale oo dhacday in qolada ergada reer Soomaaliya laga reebay qoladii Daarood, si ay u dhacdayba, deeto ay ku baaneen markii ay la hadlayeen Reer Somaliland, ‘Waxaynu isku nahay Irir ee dalka ha kala go’ynina ee aan is-garabsanee nagu soo biira oo Dawladda nala yeesha.’

Waxay moodayeen in ergada ay la hadlayaan ay wada Isaaq iyo Gadabuursi tahay, may filayn in laba Dhulwarsan ihi ay ku jiraan (Baashe Maxamed Farax iyo Siciid Jamac Cali) oo ah labada Guddoomiye-ku-xigeen ee labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, war la’aan ayaa Wadaadada hoday.

Waxa la sheegay in waaggii Dawladdii Siyaad Barre ka Madaxda ahaa uu soo booqday Muqdisho wefdi Reer Djibouti ah oo uu hoggaaminyey Xasan Guuleed. Markii la sheekaysanayey ayaa Siyaad Barre Xasan Guuleed ku yidhi; ‘Iska illaali kuwa Isaaqa ah.’

Waftiga Reer Djibouti waxa ku jiray Wasiir Jibriil Abokor, Xasan ayaa markaas yidhi; ‘Wasiirkan wafdigayga ka mid ah ayaaba reerkaas ah.’ Af kala qaad ayey noqotay, maanta tii oo kale ayaa dhacday. Waar qoladan Reer Djibouti ee Cafar, Carab iyo Qowmiyado kale iyo beelaha kala duwan ee Soomaaiyeed ka kooban ee haddana nabadda ku wada nool, maxaa yaab ka haysta qolooyinkan reer Soomaaliya ee kadeedan.

Sannadka cusub ee maanta bilawday ayaa loo ballasan yahay in wada hadalkii dib-u-furmo, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay, heestii Marxuun Maxamed Suleeebaan Tubeeec ayaynu ku soo dhoweynayanaa sannadk cusub.

Heestaasi waxay soo baxday bishii Jan.1964, muddo hadda laga joogo 51 sanno. Sannadkaas loo heesay waxa dhacay dagaal dhexmaray Dalka Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii Somaaliyeed.Meelaha xuduudaha, sida Togwajaale, Dabagorayaale. Ina guuxaa, Feerfeer iyo Doolo ayaa dagaallo ka dhaceen. Dagaalkaas waxa Togwajaale ku dhintay Askari Xalane la odhan jiray, kaas oo loogu magac-daray xerada weyn ee dhowaan Shabaabku weerareen ee ah Xarunta Ciidammada Amisom ee dalalka Afrika iyo xaafado badan oo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah.

Waxa isla waqtiga dagaalku dhacay socotay doorashadii Baarlamaanka ee u horaysay ee labada dal ee midoobay (Somaliland iyo Somalia) ka wada dhacda. Waxaan ka mid ahaa shaqaalihii goobaha doorashada. Waxa aan ka hawlgalay meel cidlo ah oo geed hoostii ah oo teendho laga dhisay, waxannu ahayn saddex arday iyo macallinkayagii oo la odhan jiray CABDULLAAHI CALI AXMED oo ahaa Reer Sheekh, dhawr askari iyo raadyihii Booliska. Meeshu waxay ahayd laasas xooluhu ka cabaan oo la yidhaahdo XADHAN.

Dadka la rabay inay codeeyaan duniba wax kalama socon annaga qudhayadu wax kama garanayn siyaasadda iyo hawlaheeda. Dhibaatadu ilaa maanta jirtaa waa aqoon la’aanta dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ha joogee. Waxa la soo bawsaday oo aanay garanayn, xitaa kuwa wataa ayaa shanta loo geliyey.

Nasiib-wanaag, si nabadgelyo ah ayey noogu dhamaatay oo aan Ceerigaabo ugu soo noqonay. Ilaa maanta sidii ayaa loo wadaa oo weli lagama fekerin sidee wax loogu kordhiyaa ama loo beddelaa hawshan geedka hoostiisa iyo dadka tabaalaysan ee waxba ka warhayn waxa la kala macaashayo mararka qaarkoodna la isku dilayo.

Haddaba, sidee baa habkan wax looga beddela lagama wada hadlo ee waa la isku maagaa haddii la soo qaado. Runta marka la sheego magalooyinka waaweyn yuunbaa codayni ka dhacdaa, inta kale sanaadiiqda ayaa la soo buuxsadaa, sidaa darteed miyaan marna laga fekerin in bal lagu koobo diiwangelinta iyo codaynta magaalo madaxyada degmooyinka keliya ee Saldhigga Booliska iyo dugsiyada iyo maxkamadaha leh.1964 waxa Wasiirka kobaad ka ahaa Jamhuuriyadii Somaaliyeed Marxuun Cabdirashiid Cali Sharmaake, ninka maanta Somaaliya ka ah Wasiirka kobaad ee Cumar Cabdirashiid Aabbihii.

Qoladan Reer Soomaaliya waxy keeneen sheekadii reer Maraykan ee Bush 1, iyo Bush 2, Sharmaake 1,Sharmaake 2 iyo Caydiid 1, Caydiid 2 Shariif Sakiin 1 iyo Shariif Sakiin 2 laga barayba laga badi goorma ayey Soomaalilaandna ka bilaabmi doontaa sheekadani.

Doorashadaas waxa ku guulaystay SYL oo tuulooyinkii sanaadiiqdu dirta hoosteeda tiilay soo buuxsatay. Magaalooyinka waaweyn waxa ku guulaysatay xisbiyadii mucaaradka ahaa sida SNC iyo SDU. Gaar ahaan SNC oo ahaa xisbi uu sameeyey Marxuun Cigaal oo Waqooyi iyo Konfur isugu jiray.

Marxuun Cigaal 1962 ayuu iskaga tegay Xukuumaddii Cabdirashiid, deeto waxa uu tegay dalka Ghana ee Galbeedka Afrika ku yaal oo uu madax ka ahaa Halyeygii, Qoraagii, Halgamaagii dadka madaw Kuwame Nkruma oo ay saaxiib ahaayeen.

Nkruma lacag lagu sheego mar laba milyan marna saddex marna milyan iyo badh oo doolar buu soo siiyey Marxuun Cigaal, lacagtii waxa uu ku dhisay xisbigaas oo uu u bixiyey Somali National Congress. Sida madaxda qaarkood bankiyada dibadda kuma shuban guryana uma iibin reerkiisa, sidii uu lacagtii Aabbihii ina Xaadhxaadhato iyo guryahiisii uu Xisbigii SNL u geliyey ayuu lacagtanna u geliyey siyaasadda.

Wasiir uu Cigaal jeclaa oo uu dhawr jeer xil weyn u dhiibay dhinacan Somaliland ayuu ku arkay isaga oo wax qaadqaadaya, dabadeeto uu ku yidhl “Adeer, siyaasadda lacag lagama tabcado ee waa la geliyaa, xilkii waa kaa qaaday ee mashruuc lacageed soo samayso aan wax kaala qabtee adiga oo siyaasadda dibadda ka jooga.”

Waxa iyana waxyaalihii sannadkan galbaday agteena ka dhacay ka mid ahaa doorasho ka dhacday wadan Carab ah oo Afrika Waqooyigeeda ku yaalla. Wadanka Carbeed ee Tuunis ayaa doorasho Madaxweyne uga dhacday si nabadgelyo ah oo xor ah dhowaan.

Waxa ku guulaystay doorashadii nin dawaladihii kala dambeeyeyee ee waddankaasi yeeshay ee kala ahaa 1- dawaladii uu madaxweynaha ka ahaa Xabiib Buqiiba (1957-1987) 2- iyo dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Ben Cali (1987-2011) ee dalkaas labadaba wasiir ka noqday oo da’diisu tahay 90 sanno.

Ku-quuso qudhaanjo dhalintii loo soo dhigayay, Ruug-cadaagii soo rogaal celi. Dadyewga Afrika iyo Asiya way xurmeeyaan da’da oo xigmad ayey u yaqaanan. Qolada Khawaajiyaashu si kale ayey u arkaan bal sheekadan Marxuun Cigaal eeg. Marxuun Cigaal ayaa isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland booqday Dalka Maraykanka sannadkii 1999 bishii October isaga oo ay dalkaasi ugu dambaysay sannadkii 1969 bishii October, markaas oo uu ahaa Wasiirka kowaad ee dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Markii uu soo laabtay ayuu Golaha Wasiirada ka warramay socdaalkiisii waxa uu yidhi waxan Mareykan ka raadiyey nin madax ahaa oo aan isniqiinay. Markaan telefoon kula hadlay ee aan is-waraysanay ayuu igu yidhi; “Waar Cigaal anigu waxan ku jiraa guri lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee yaa adiga da’dan Madaxweynaha kaa dhigtay.”Si weyn ayaa loogu qoslay arrintaasi.

Marxuunku waxa uu caan ku ahaa kaftanka weliba isaga ayaa is xanaakadayn jiray iyo weliba beesha reer Saaxil. Maalin isaga oo khayriyada ka hadlaya ayaa waxa meeshii uu taagnaa u soo baxay daayeer, deeto askartii iyo hawlwadeenadii ayaa ku yacay daayeerkii. Marxuun Cigaal ayaa dhawaaqay makarafoonkii oo furan, “Waar daayaa ninku waa igaranayaaye,” dadkii dhegaysanayey ayaa wada qoslay. Dadka kudhacaas lehi waa dadka isku kalsoon ee dulqaadka leh kuwaas ayaa isku yidhaahda wixii lagu odhan lahaa.

Waddada Berber iyo Sheekh u dhexaysa intaan laamiga laga dhigin, waxa baabuurtu mari jirtay meel buur ah oo la odhan jiray Gol-ceebeed. Baabuurta waqtigaas la haystay oo ahayd mid liidata, ayaa wax dhici jirtay inay dib uga soo cararto buurtaas oo ka bixiweydo jiifta, qaar badan ayaa ka dhici jiray. Kirishbooyga ayaa marka halkaasi la marayo kariirad la barbar carari jiray oo u dhigi jiray marka uu hakado baabuurku.

Maanta waxa halkaa maraysa Somaliland oo ka baxaysa Gol-ceebeed. Laba doorasho ayaa sugaya, waxa la sugayaa inay ka baxdo ama dib uga cararto Gal-ceebeed. Mudda kordhintu waa kariiradda Dawladda waxa loogu talagalay inta baabuurka la kicinayo inay sii hayso oo aanay dawladnimadu dhicin, hawshaas oo Guurtida loo xilsaaray, hase yeeshee ma beddelayso doorashada oo ah dalcaad ka bixidda iyo gaadhitaanka berri amaan.

Waa ku-meel-gaadh inta la cilad saarayo baaburka doorashada. Dad ayaa u hadla sidii ay tahay hab barbar socda doorashada oo la tartarsiinayo oo la kala dooranayo. Waa fadeexad haddii kal doorashadii timaadaba muran ka dhaco.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.