Dhaqan Geeljir iyo Mid Dawladnimo

0

Dhaqan Geeljir iyo Mid Dawladnimo

(Qormo aan helay 16 sanno hortood kolkii la faafiyay, oo aan qolka keydka idiinka soo saaray. Akhris wanaagsan)

“Wallaahay oo billaahay oo tollaahay soomaalida annaga ayaa ugu badan, oo ugu hodansan, oo ugu cilmi badan, oo ugu ilbaxsan. Taasi waa xaqiiqo la wada og yahay haddana aan naloo qirayn, waayo waa nala xasdayaa. Run haddii la doonayo dalkani wuxuu u burburay dulmi annaga nalagu sameeyey, isla sababtaas ayaana loo heshiin la yahay. Haddii la garan lahaa cid aan annaga ahayni in aanay madaxweyne noqon karin, xaqna u lahayn, beri hore ayaa la nabdi lahaa.

Xalka Soomaaliya in uu ku jiro in annaga talada naloo dhiibo waxaan dunida ugu qeexay maqaal dheer oo aan ku faafiyey wargeyska caanka ah ee Washington Post, maqaalkaas oo mar dambena lagu daabacay La Monde iyo al-Ahraam. Sidaas si la mid ah ayaan dhambaal warbixin ah oo arrintaas ku saabsan u diray xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan. Dhambaal noocaas ah waxaan kale oo u kala diray ururrada kala ah Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Ururka Dunida Islaamka iyo Itoobbiya. Waxaan kale oo u kala diray dalalka deeqda bixiya iyo hay’adaha deeqda bixiya, iyo weliba gabadh deeqda bixisa oo iswiidhish ah.

In aanu soomaalida ugu sarrayno si aan u caddeeyo qoraalladaas aan diray oo dhan waxaan ku sii lifaaqay tirokoob rasmi ah oo aanu aniga iyo labo aan adeer u ahay dadka soomaalida ku samaynay, taas oo uu qabiilkaygu noqday 81,9%. Taasi waa run weligeed la ogaa laakiin ogaan loo qarin jirey. Waxaan kale oo diray diiwaan ay ku cad dahay hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah ee ciddayda, taas oo noqotay 89,2% hantida guud ee umadda soomaalida. Si aan u caddeeyo aqoonta iyo maskaxda soomaalidu in ay annaga tahay, qolyahaas waxaan u diray dhammaan shahaadooyinka jaamacadeed ee ay tolkay haystaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 27203 (toddoba iyo labaatan kun laba boqol iyo saddex) oo ah nooca la jecel yahay ee PhD.

Intaas waxaan raaciyey khariidad muujinaysa dhulka aanu Soomaaliya ka degno, oo ah 79,5%, waxaanan sawirro ku caddeeyey in uu yahay dhulka ugu fiican oo wax walba laga heli karo. Waxaan u sheegay, oo run ah, ceelasha qaarkood wadaantu in ay batrool ceedhin ka soo qaaddo, dheemankuna marka roobku da’o sida likaha dhulka ka soo fuuro. Isla markaa waan uga warramay cidaha kale ceelashooda in ay wadaantu dhooqo ka soo qaaddo, dhulkoodana dhagax kululi ka soo fuuro. Ma aan qarin qabiillada kale oo dhan Ilaahay in uu ku jirrabay degaan omos iyo bacadsoore ah oo aan lagu noolaan Karin. Dadaalkaygu durba wuxuu dhalay natiijo la taaban karo. Tusaale ahaan, tifotiraha wargeyska Washington Post markiiba wuxuu ii soo diray ammaan iyo booskaadh uu daayeer ku sawiran yahay. Waad iska garan kartaa taas in uu ka wadey ‘idinka mooyee soomaalida kale waa wada daayeer’.”

Sidaas ayuu qofka soomaaliga ahi u fekeraa una dhaqmaa. Qisadani waa mid ka mid ah majaajillooyin, sheekooyin, filmaan iyo fan kale oo ay faca soo socdaa inaga samayn doonaan. Waxay aad u baadhi doonaan fekerka iyo dhaqankeenna maanta, aad ayeyna ula yaabi doonaan. Gaar ahaan waxay weynayso saari doonaan, ilaysna ku shidi doonaan, shakhsiyaadka maanta caanka ah: mid wax qora, mid gabya, siyaasi, oday dhaqameed iyo mid aqoonyahan sheegta. Intaba iyaga oo xabaalaha jiifa ayey mid mid maxkamad akhlaaqeed iyo taariikheed saari doonaan. Wax kasta oo ay inaga sheegi doonaan, iyo erey kasta oo ay inagu nacdali doonaan, waxay iigu muuqdaan sida uu kumbiyuutarka aan hor fadhiyaa iigu muuqdo.

Soomaali kasta oo qurbaha ku nool weydiinta ugu adag ee uu shisheeyaha kala kulmaa waa: Maxaad isku dilaysaan? Weliba si jawaabta la inoogu fududeeyo ayaa la raaciyaa: Ma kala diin baad tihiin? Ma kala dad baad tihiin? Mise kala af iyo dhaqan? Weliba dadka taa ina weydiinayaa iyagu diin, isir, af iyo dhaqan toona isuma dilaan. Qabyaalad ayaanu ku dagaallamaynaa ma aha wax uu qof wax isku falaya oo dareen iyo damiir lehi afka soo marin karo. Waxay xaqiraad ku tahay dadnimada aad u taagan tahay gebi ahaanteedba. Taa ka sokow qof caadi ah oo dunidan casriga ah ku nool waxaas kuma qancin kartid.

Anigu shakhsi ahaan marka taa la I weydiiyo waxaan kiciyaa fawdo, mashaakilka weyn ee dunida ka jira ayaanan arrinta ku walaaqaa: ”You know… because the fucking Cold War… you know… and then… the New World Order… you know.” Wax caynkaas ah. Qofka su’aashaas i weydiiyaa wuxuu iga tagaa isaga oo wareersan oo waxii uu awel arrinta ka fahamsanaa wax ka sii yar ka fahamsan. Cidna aqoon kama hagrado ee qudhayda ayaa jawaab u baahan. Marar badan waxaan la kulmay dad rumaysan in ay gaajo ina dubatay oo aynu cunto kala boobayno. Haddii ay jecel yihiin sidaas ha u haysteen. In cunto la isku laayo ayaaba dhaanta in qabyaalad la isugu baaba’o.

Foolxumada ay weydiintaasi leh dahay run ahaantii dareenkeedu inaguma wada jiro ee waa qof iyo aragtidii. Waxaa jira soomaali badan oo in ay ka khajilaan ha joogtee ku xarragooda. Maalin ka mid ah sannadkii 1990 ayuu nin suudaani ahi aniga iyo laba kale nala soo fadhiistay. Wuxuu nooga baroordiiqay hoogga iyo nasiibxumada dadka soomaalida haysata. Dabadeed sida ay caadadu tahay wuxuu nagu bahdilay weydiintii inkaarta qabtay: ”Maxaad isku dilaysaan?” Aniga
iyo mid kale markiiba waxaanu la soo boodnay weedhii uu beryahaas carrabku iska bartay ee ahayd ”kelitalis baa kadeedka keenay”. Laakiin ninkii saddexaad ayaa maskax taayada ka sarraysa adeegsaday oo damcay in uu qabiilkiisa guul u sameeyo qabiil kalena guuldarro. ”Waxa dhacaya oo dhan waxaa ka mas’uul ah reer hebel oo ah qolo aad u xun”, ayuu ku jawaabay, oo weliba sharax dheer raaciyey isaga oo dabeecadaha qolaadaas ka sheekaynaya.
Suudaanigu jawaabtaa doqonta ah wax qaddarin ah uma uu muujin, ama maba fahmin. Wax aanan sigaar iyo xashiishad u kala garanayn oo uu warqad yar ku duubanayey
inta uu shitay ayuu annaga oo weli nacasyo ah halkii nagaga tegey.

Waxii uu na weydiiyey weli jaahil ayuu ka ahaa, laakiin annaguba waanu ka ahayn.
Dhacdadaas afar iyo tobanka sano laga joogaa maalinba ta ka dambaysa waxay ii sii caddaysaa badownimada iyo aragti dhowaanta ina haysataa sida ay u qoddo
dheer tahay. Ma jiro xabashi, ereteri iyo carab soomaalida in yar dhex galay oo aan tolalkeenna kala aqooni. Dad baa shisheeyaha wax macno leh uga dhiga
xinka qabiillada. Xataa qaar tacliin sare leh ayaa taa muxaadaro ka jeediya, iyaga oo moodaya in ay aqoon loo baahan yahay sheegayaan.
Mas’aladan wejigeeda ugu yaabka badani waa mid aan aniga oo kuray ah fahamsanaa, haddana aan maanta arko dad waaweyn oo ku qaldamaya. Arrintaasi waa is-ahaanta
soomaalida iyo kala ahaanta itoobbiyaanka. Waxaa la garan la yahay soomaalidu in ay tahay qawmiyad keliya, halka ay Itoobbiya midayso tobannaan qawmiyadood.
Tigreega oo keliya ayey soomaalida oo la isku wada daraa la gudboon tahay. Haddana waxaad arkaysaa qof weyn oo raba in uu qabiil hebel iyo qabiil hebel
kala geeyo halka ay kala joogaan tigreega iyo amxaaradu. Taasi waa cuqdad fogaatey iyo jahli madoobaaday oo isku milmay.
Itoobbiyaanka qurbaha ku nool ku kari maysid in uu si fudud kuugu sheego qawmiyadda uu Itoobbiya ka sii yahay, qabiilna iskaba daa. Si kasta oo uu kaaga
warawareejin karo ayuu samaynayaa. Markiiba adiga ayuu ku haybsanayaa, oo gobollada iyo qabiillada soomaalida kuu kala qaadqaadayaa, oo cidda uu kugu maleeyo
ama kugu xansado kuu ammaanayaa. Sababta oo ah soomaalida ayuu daciifnimadaas ka arkay. Dabeecaddaasi waxay aad ugu xooggan tahay amxaarada iyo tigreega,
labadaas oo soomaalida il dheer ku eega.
Taasi doqonnimo ma aha ee waa aqoonta iyo dhaqanka soojireenka ah oo aanay ummadnimadu meel ku lahayn qabiilkuna ka buuxo. Intii aan gumaysiga reer yurub
iman waxaa la ahaa qabiilooyin mar isdila, mar isu gabya, mar geela kala dhaca, marna xidida. Wax intaa dhaafsan la isma tari jirin la ismana yeeli jirin.
Meel halkaa ka sarraysa in la isugu iman karo lama aqoon. Aqoonta iyo wacyiga sidaa u liita, ee qabiil iyo qaran lagu kala saari kari waayey, ayaa waxii
yaraa ee mar la isu keenay lagu burburiyey.
Qofku haddii uu maqlo iyada oo soomaalida xumaan laga sheegayo u diiri maayo. Haddiise tolka uu yahay erey xun laga sheego xanaaq ayuu la kacayaa. Haddii
ay shisheeye qabiilkiisa wax wanaag u eg ku tilmaamaan, ama qabiil kale xumeeyaan, wuu ku farxayaa kuwa kalena ugu faanayaa. Wuxuu garan la yahay shisheeyaha
qayb soomaalida ka mid ah caayey isagana in ay caayeen. Wuxuu garan la yahay dhulka uu cadaabta iyo lamadegaanka ku sheegayaa in uu isla dalkiisa yahay.
Inta uu sidaa yeelo ayuu haddana hadhow iska oohinayaa oo iska dhigayaa mid soomaali naf u haya. U malayn maayo bani aadan kale oo dabcigaas lehi in ay
jiraan.
Weligeed qabyaalad lagama xoroobin, xataa marxaladihii gobanimodoonka iyo dawladnimada. Gobanimadoonku wuxuu ahaa xamaasad iyo qiiro dunida kale lala qabay.
Waxay ahayd xaalad cusub oo qabyaaladda yara shiiqisay laakiin aan marnaba beddelin ama dilin. Ma ay ahayn feker asaas leh iyo dareen dhiigga iyo dhuuxa
u dhaadhacay, sida marar badan lagu sheego, ee waxay ahayd selel lala booday iyo qaylo aan dibnaha dhaafsanayn. Taa waxaad ku garataa markii dawlad la
helay dadkii dhaqdhaqaaqyadaas hoggaaminayey qabyaaladdii ayey dib ugu wada noqdeen, oo nin waliba tol iyo qaraabo ayuu urursaday. Bilawgii kacaanka xamaasaddu
ma ay ahayn waddaniyad uurka iyo iimaanka ka soo go’day. Dadkii talada qabtay waxay wada ahaayeen qabiili iyo cuqdadlow. Markiiba waa kuwii xin iyo xaasidnimo
boqnaha iswada gooyey.
Marba xamaasad cimri gaaban oo aan xididdadu dhulka ugu jirin ayaa ubax bixisa, dabadeed markiiba hanfi qabyaalad ah ayaa qallajiya. Qof waliba sida uu
waddani ugu eg yahay ayey wejigiisa maaskaradu ka dhacdaa oo uu ilko horor la soo baxaa. Afartankii sano ee dawladda la ahaa calan aan habeen keliya dhaxan
laga wada dugsan maalin keliyana milic laga wada hadhsan ayaa macnodarro hawada isaga babbanayey. Isaga ayaaba la isugu dhuuntay oo la isku wada gawracay.
Muddadii ay soomaalinimadu ugu khayrka roonayd haddana beeluhu sidii hore ayey ceel walba isku dilayeen xafiis walbana isku dulmayeen.
Sidaas oo ay tahay haddana maanta dareenka iyo fekerka soomaaliga kama maqna in dawlad dhexe loo baahan yahay, si ay ahaato iyo heer ay ahaataba. Ma jiro
qof miyir qaba oo rumaysan in qabyaalad lagu noolaan karo. Laakiin qabyaaladda ayaa ah maandooriye iyada oo la neceb yahay haddana aan la joojin karin.
Dareenkaa yar ee waddaniga ah waxaa laga dhaxlay gumaysiga iyo xoogaa dawladnimo ah, oo haba iska xanuun badnaatee la soo arkay. Mise waxaa jirta waddaniyad
dabiici ah oo ay qabyaaladdu ku daboolan tahay? Mar baan buug ka akhriyey dad shisheeye ah, uu barafasoor Guush ka mid yahay, kuwaas oo rumaysan soomaalidu
in ay leh dahay waddaniyad dahsoon “diffuse nationalism” taas oo xilligiiba mar qaraxda. Waxay inagala mid dhigeen bulshada jarmalka oo dabcigaas lagu
yaqaan. Saadaashaasi malaha waxay inaga fududaynaysaa culayska ay quustu inagu rartay?
Haddii la isku raacsan yahay qabyaaladdu in ay tahay waxa uu magaca soomaaligu eeday, la iskuma raacsana qabiilku in uu sidaas yahay. Dad badan baa ku andacooda
qabiilka iyo qabyaaladdu in ay laba kala yihiin. “Qabiilka Ilaahay baa abuuray oo dhib ma leh ee qabyaaladda ha la iska daayo” ayaa lagu celceliyaa. Taas
waxaa loo daliishadaa aayad Qur’aan ah oo uu Ilaahay ku sheegay in uu dadka ka dhigay shucuub iyo qabiilooyin. Anigu waxaa si buuxda u hubaa inta uu qabiil
jiro qabyaaladani in ay jirayso, ha yaraato ama ha badnaatee. Inta ay jiraan dad abtirsi isu raacay waxay lid ku ahaanayaan dadka aan abtirsigaas la wadaagin.
Waxay isu kaashanayaan, oo isugu hiilinayaan, wax kasta oo ay dheefi ugu wada jirto, xataa haddii ay danta guud sidaa ku lumayso. Taasi waxay keenaysaa
dulmi bulshada kale ku dhaca, waxaana burburaya sharciga iyo caddaaladda ay tahay in sinnaan loogu noolaado.
Qabiilka soomaalida ee aynu waxa uu geystay welina geysanayo wada og nahay haddii diin lagu difaaco waxaa meel lagaga dhacayaa ujeeddadii diinta loo soo
dejiyey ee ahayd nabad, caddaalad iyo guud ahaan danta noolaha. Haddii uu Ilaahay yidhi “shucuub iyo qabaa’il ayaanu idinka dhignay” miyuu yidhi “qabiilku
diinta ayuu ka mid yahay ee ha ka tegina”? Xeerarka ugu muhiimsan ee xukun dejinta fiqhiga islaamka lagu halbeegto waxaa ka mid ah wax kasta oo xalaal
ahaa haddii ay macsi keenayaan in ay xaaraan isu rogayaan. Sidoo kale haddii ay waajib diini ah joojinayaan waxay noqonayaan xaaraan. Haddaba qabiilku
sow ma keeno macsi badan, waajib badanna ma joojiyo? Haa, wuxuu keenaa qabyaalad taas oo iyaduna dhasha dil, dhac, kufsi, nacayb iyo wax kasta oo xun.
Isla markaa wuxuu baajiyaa waajib diini ah oo ah wadajirka iyo midnimada muslinka.
Sabab nololeed iyo mid diineedba qofku wuxuu u baahan yahay oo keliya in uu barto oo sheegto dad aad u kooban oo ah xigto ama ehel. Laakiin in uu qabiil
sheegto ama lagu sheego wanaag meelna wanaag kama soo geli karo. Sidaa darteed ma habboona in carruurta la maqashiiyo “qabiilka Ilaahay baa abuuray oo
xumaan ma leh”. Isla marka aad ilmaha qabiil bartay ayaad qabyaalad bartay.
Jiritaanka iyo jiritaan la’aanta ummadnimo waxay si buuxda ugu xidhan tahay hadba sida qabyaaladda looga baxo ama aan looga bixin. Lama abuuri karo hab-feker
iyo hab-dhaqan cusub inta qabiil la oggol yahay. Isbeddel arrintaas ku saabsani kuma iman karo ul sixir ah oo la inagu dhufto ama dawo farmasiga laga soo
iibsado, waxayse u baahan tahay dadaal marxaladaysan.
Soomaali aan qabiil caabudin in la helaa waxay u baahan tahay shuruudo dhawr ah:
1) tacliin iyo wacyi uu qofku ku kala garan karo waxa nolosha muhiim u ah iyo waxa aan u ahayn.
2) dhaqaale iyo isku kalsooni uu tolka kaga maarmi karo.
3) in la helo koox feker ahaan iyo ujeeddo ahaan dhisan, taas oo si dhab ah uga kortay qabiilka, koritaankaas oo feker iyo ficilba ka soo baxa.
4) in bulshada la dhadhansiiyo, muddo yarba ha ahaatee, qarannimo ku dhisan caddaalad iyo sharaf, taas oo uu qofku jiritaanka iyo mustaqbalkiisa ku aammini
karo, kana gudbin karta in uu hiilka iyo hooda tolka mar dambe u hiloobo.
Masiibada ugu weyn ee soomaalida haysataa waa iyada oo aan lahayn ama ay ku yar yihiin dad leh feker xor ah oo ka sarreeya ka dadweynaha caadiga ah. Ka
lagu tuhmayo in uu hayo garashadii loo irkan lahaa inta badan waxaa ka muuq iyo qaylo dheer geeljirka ay ilmo adeerka yihiin (geeljir waxaan ka wadaa qof
kasta oo leh dhaqanka geeljirka, xataa haddii uu magaalo ku dhashay). Geeljirku kuma qaldana caqligiisa reer hebel dhaafi kari waayey, waxayse karti la’aani
haysaa ka uu madaxa kaga fadhiyo ee uu talada bulshada ka riixday. Aqoonta, doodda, dagaalka iyo wax kasta oo nolol iyo sharaf laga raadiyaa geeljirka
waxay ugu jiraan in uu tolka u adeego. Laakiin aqoonyahanka waxay ugu jiraan in uu taa hore burburiyo oo duni aayo leh abuuro.
Geeljirka iyo aqoonyahanku muddo dheer ayey isdugsanayeen, amaba ka dambe ka hore magan u ahaa, taasina waxay dhashay natiijo aan la mahadin. Sidaa darteed
maanta waa in midkood laga takhallusaa, dabadeed aayaha dadka soomaalidu if iyo aakhiro mid uun u dhacaa. Ma sii socon karto in qabiil qaran lagu walaaqo
oo haddana nolol loo ooyo.

Ibraahin Yuusuf Axmed – hawd99@hotmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.