Dhallinyaro Danteena Ma garanaa? Abdirisak Shafi

0

Rag siyaasi wada noqoy, wada furay silsiladaha
Hadba taanu suurayn ,yidhi anigu aan saxo.
Abwaan Maxmaed Ibraahim Warsame Hadraawi.
Dhalinyaraddu waa cududa ugu badan bulshadeedna,iyo bulsho kasta oo kale, waana hantida ugu weyn ee wadan leeyahay,isla markaana mustaqablka wax ka bedeli kara, lagana dheehan karo waddankaasi horumarkiisa iyo mustabalkiisu sida uu u egyahay iyo waxa laga filayo halka uu gaadhi karo.waxaanay xogta sheegaysaa in dhalinyaraddu 75% wadanka yihiin(UNFPA, 2015).
Mudooyinkan danbe dhalinyarata jaamacadah ka baxaa aad ayay u badan yihin, waanay sii badan doonaan, waxaadse arkaysaa dhalinyarta oo halkii ay mustaqbalka iyo wax ka bedelkiisa ku fikiri lahaayeen ee ay horumarka,aqoonta, shaqo abuurka ku mashquuuli lahaayeen,aad arkayso in wax kale oo aan dantooda ahayn ay awooda saareen wakhtigoodii qaaliga ahaana siiyeen, arrimo aan toos iyaga u khusaynin. Haddaba Ma aqoon la’aan ayay inaga tahay in sidan aynu yeelno mise inaga ayaan danteena garanaynin oo aan hubin , waxa aynu doonayno ee aan higsanayo oo ah mustaqbal iyo horumar wanaagsan oo uu qofku noloshiisa ku horumariyo.weliba waxa intaas dheer oo xaqiiq ah in 80% dhalinyaradda wadanku bilaa shaqo yihiin,iyago oo jaamacadaha ama wax u dhigma badankoodu ka baxeen.
Waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo ku murmaya wakhti badana ku qaadanaya in ay ka doodaan,xisbiyadda iyo siyaasiinta oo midba kan kale siyaasadiisa iyo nidaamkiisa dhaliilo,una arko in kan kale ka wanaagsan yahay, sababta ugu weyn oo uu ula dhacsan yahay kan uu isagu doonayo kan kalena uga soo horjeeda waxa weeye mid ayay isku beel yihiin ama isku meel ka soo jeedaan oo uu khalad iyo saxba u taageersan yahay, weliba qofka wax ka sheega ama dhaliishiisa sheega ay isku seegayaan ama ay isku nacaan.oo maxaa ka galay siyaasadan wejiyada badan leh ee aan nidaam cad iyo yool qeexan lahayn ee ku salaysan qabyaalada,danaysiga iyo wax aan dhaamin. Miyaanay ahayn in wakhtigeena iyo dedaalkeena aan galino danteena, iyo horumarinta nafteena, noloshana aan wax ka bedelno oo halka aynu siyaasada ka wada sheekaysanayno aan daniba inoogu jirin, in ay ka wada sheekaysano wixii danteena ah ee ina mideeya guulna ina gaadhsiin kara. Tusaale ahaan, haddii dhallinyaradu u geli lahayd loolan , dood iyo kacdoon aqooneed sidii loo hirgelin lahaa shaqooyin inaga iyo umaddeenaba anfaca .waxa Iyana muhiim ah oo aan cidiba hadal haynin kuna baraarugsanayn oo aan lagu dhaqmin Xeerka Shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland (Xeer lambar 31/2004) waxa uu si toos ah u mabnuuca in la shaqaalaysiiyo, gaar ahaan hay’adaha dalka ka hawlgala iyo shirkaduhuba hawlgeliyaan dad ajenebi ah oo khibrada ay hayaan laga maarmi karo amma muwaadin qaban karo, waxaannu xeerku ka reebay dadka aqoontooda dalku u baahan yahay, isla markaana aanu jirin qof qaban kara. Waxa caddayn u ah arrinkaas qodobka 31 ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah oo ka hadlaya qaabka shaqo qorista shaqaalaha, gaar ahaan faqradiisa 4aad iyo 5aad waxay si cad u mabnuucayaan in qof ajenebi ah la qorto, iyagoo cuskanaya qodobkak 3aad, faqradiisa 2aad, xubintiisa 8aad ee xeerkan oo sheegaysa in shirkadaha, hay’adaha iyo ururradu shaqaalaysiin karaan oo kaliya shaqaalaha aqoontooda loo baahan yahay, shaqadoodana aanay cid kale qaban Karin.maxaynu tan iyo arrimo kale oo badan oo muhiim inoo ah uga hadli waynay oo aan si wada jir ah u sheegi waynay.
Way fiican tahay in Siyaasada iyo arrimaha bulshada ee markaa taagan ama taariikh ah la barto lana daraaseeyo oo waxna laga barto, lakiin in wakhtiga oo dhan la geliyo ma haboona. Su’aasha halkaas aan iska waydiin karnaa waxa weeye :Xisbiga ana siyaasiga aad siyaasadiisa taageertaa ma ogtahay ama ma hubtaa in aad ka helayso waxa adiga iyo dhallinyarta kale ugu jira oo isbedel wananaagsan keeni kara , mise waa nin dantiisa kugu fushanaya oo aragti iyo kursi doon mooyee mabaadi kale oo horumarka wadanka iyo dhallinyaradu aanay ka sugaynin , Markaa miyaanay habboonayn adna in aad dantaadu ku mashquushid oo aad wakhtigaaga gelisid horumarinta naftaada, mustabalkaaga ,aqoontaada iyo wax kasta oo noloshaaa wax ka bedeli karo mustaqbalkana ina anfici kara.
W/Q: Abdirisak Shafi Mohamed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.