“Dhallinyaradaas Tahriibtay Waxaa Ku Kalifay Wasiirada Somaliland Waayo Shaqadii Soo Baxdaba Mid Reerkooda Ah Ayuu Geynayaa” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

0

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir  ayaa wasiiradda xukuumadda ku eedeeyey inay masuul ka yihiin tahriibta dhallinyarada, isagoo sababtana ku sheegay inuu wasiir waliba reerkooda ugu dedaalo shaqadii banaanaata taasoo sababtay inaan shaqadii loo sinaan waxaana uu suldaanku sheegay in Somaliland la wada leeyahay ayna tahay in shaqooyinka si siman loo qaybsado.

IMG_1814

Suldaan Maxamed Suldaan cabdiqaadir ayaa sidoo kale xalka kaliya ee dhimashada laga bad-baadi karaa ay tahay inay dhallintu sii bartaan dabaasha ka hor inta aanay badda galin, isagoo suldaanku arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi :

“Hadii laga fursan waayo tahriibka waa in ay dadku dabaasha bartaan nin aan dabaal aqoon  tahriib ka bixi maayo  , waxaasna waxaa ku kalifey waa d shaqada dawlada qaabka loo bixiyo ma fiicna  wax la aqbali karna ma aha , wasiir waliba waxaa uu iska wataa dad ehelkiisii ah Somaliland na wax bay wada leedahay ee  ma kala laha, Dhalinyaradaas tahriibka ku dhimaneysa wasiirada ayaa ku kalifay  oo shaqadii soo baxda uma ogola  oo waa in uu xigto u eega waxaa dhalinyaradaas tahriibka ku kalifaya waxa xukuumadda”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.