DHALIISHA WAX DHISTA

0
DHALIISHA WAX DHISTA

DHALIISHA WAX DHISTA
النقد البناء( / CRITISIM CONSTRUCTIVE(
“ Waa dhif iyo naadir in dadku diido kaalmada haddii loogu gudbiyo si habboon “ A.C.Benson
Erey-dhaadhiyeyaashu waxa ay dhaliisha wax dhista ku qeexeen : “ habka loo soo gudbiyo
fikrado sugan oo sababaysan taas oo ku saabsan shaqo cid kale qabatay; faallayntu waxay
koobsataa tognaan iyo tabnaan labadaba taas oo loo soo gudbiyay si debecsan oo aan ka hor
imaansho loo qaadan Karin ‘
Dhaliisha wax dhistaa waa agab-hawleed lagama maarmaan u ah marka adeeg bulsheed cid loo
diro taas oo hirgalisa garoon is la xisaabtan kuna dirqida dadka hawsha hormuudka ka ahi inay la
yimaaddaan heerkii hawl qabad ee la rabay ‘ Performance standard,
Waxay u badan tahay in dhaliisha uu soo dhaweeyo cidda la dhaliilayaa haddii ay dhaliishu
tahay mid la xidhiidha habka hawl-qabad ee qofka la dhaliilayo iyadoo lagu ladhayo sababo iyo
caddaymo la qaadan karo.
SIDEE CID LOO DHALIILI KARAA DHALIIL WAX DHISAYSA?
“ Badanaa waanu dhegaysanaa dhaliisha wax dhisaysa ee la xidhiidha hawl qabashada ama hawl
qabasho la’aanta dawladda heer kasta oo gaadhsiisan tahay, dooddu waa mid faa’iido leh oo
lagama maarmaan ah, waa se micne darro inaad la timaaddo doodaha kuwa amarrada ka soo
qaata shisheeyaha, ….. iyagoo u danaynaya cid kale….. “ Vladamir Putin
Aqoonyahanada mawduucan wax ka qoray waxa isku raaceen in dhaliisha wax dhistaa loo maro
waddooyinkan afarta/shanta ah ee hoos ku xusan:
1. Falcelinta Saanweyj u ekaha ah ‘ The sandwich feedback ‘
Habkan oo ka mid ah kuwa ugu caansan ee loo adeegsado dhaliisha wax dhista waxa lagu
naanaysaa sida ciwaan yaraha kore ku cad ‘ Habka falcelinta ee saanweyj u ekaha ah, sidee buu
habkani u yahay mid saanweyj u eg; soo dhawoow oo in yar dareenkaaga ii soo jeedi akhriste
Ma midkeen aan saanweyj cunin baa maqaalkan akhrisanaya? Wuu jiri karaa, sidaa daraaddeed
aynu fursad siinno qoladaas, Saanweeyj waa roodhi dhexda loo geliyay gaws-qabad dhadhan leh
sida hilib, digaag, kalluun amma khudrad, laga yaabee inaanu midkeenna cuni kareen roodhi
aanu dhexda ugu jirin hilib, digaag, kalluum amma khudrad u yeesha dhadhan macaan.
Makhaayadda ku taal New York ee Serendipity 3 waxay midhka roodhi saanweyj ka ah siisataa
wax ka yar hal doolar oo lacagta maraykanka ah ha yeeshee marka ay dhexda u dhigto gaws
qabad dhadhan leh waxa ay macaamiisheedu siistaan Laba boqol iyo afar iyo toban doolar
maraykan, sirtu waa dhadhanka !!!
Hab dhaliileedkan sumcadda yeeshay waxa dhaliisha laga dhigaa gaws qabadkaa dhadhanka leh
ee qofku liqi karo isagoo qofka la dhaliilayaa dhaliisha ku ilaawaya wanaagyadiisa lagu shaqlay.
Ugu harrayn waxa qofka looga mahadnaqaa dhinacyada wanaagsan ee hawsha uu qabtay (
Strenghts)- Qaybta sare ee rootiga oo kale- , ka dib waxa dhexda la geliyaa dhaliilaha shaqada ka
muuqda ee aad rabto in la saxo – sida hilibkii, kalluunkii amma digaagii- ugu dambayn waxa
lagu soo gebogebeeyaa inaad qofka tusto waxa dhici kara haddii taladaada uu qaato adigoo soo
bandhigaya midhaha ka dhalan laga goosan karo marka uu iska gufeeyo gal daloolooyinka aad
qaybta dhexe ugu sheegtay.
Tusaale ahaan; anigu waxaan ka mid ahay macaamiisha shirkadda TELESOM, waxaan halkan
ugu soo gudbinayaa dhaliil wax dhisaysa, aynu bilaabano;
“ Waxaad tihiin shirkadda ugu ballaadhan dhinaca is gaadhsiinta ee ka hawl gasha
Soomaalilaan, ka macmiil ahaan, waxaan aad ugu qanacsanahay tayada iyo hufnaanta adeegyada
is gaadhsiineed ee aad bixisaan, waxa kale oo aan idiinkaga mahad naqayaa inaad tihiin shirkad
ku horraysa dhinaca ikhtiraacaadka ganacsiga ( Entrepreneurship). Waxaa aan idiinka
mahadnaqayaa inaad aad uga qayb qaadataan adeegyada bulshada sida waxbarashada,
Caafimaadka, waddooyinka iyo aafooyinka dabiiciga ah. Waxa aanan hilmaamayn inaad tihiin
mid ka mid ah shaqaalaysiiyeyaasha u
Soomaalidu waxay tidhaahdaa “ Habar fadhida legdini wax uga fudud’ , tusaale ahaan;
Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Argentina Diego Maradona waxa uu aad u dhaliili
jiray tababarihii uga horreeyay laylinta xulka argentina isagoo ku eedayn jiray inaanu
markuu ciyaartoyga ahaa aanu ahayn mid ciyaarta ku fiican isaguna uu isku arkayay mid
ciyaarta ku fiicnaa waxa se uu hilmaansanaa in ciyaarista iyo laylinta ay u baahan yihiin
hibooyin kala duwan, nasiib wanaag amma nasiib darro Maradona isna wuu ku fashilmay
shaqadii uu ninkii uga horreeyay ku dhaliilay.
• Faallayntaadu waa inay ku koobnaataa farsamooyinka la adeegsanayo marka hawsha la
qabanayo balse ha ku mashquulin abuurka, tusaale ahaaan; halkii aad ka odhan lahayd ‘
waad soo daahday ‘’ waxa la dhiirigaliyaa inaanad tilmaamin in qofku isagu yahay mid
habsan ah taa baddelkeeda aad xusto in qofka shaqadii laga rabay ay habsan tahay sida
inaad tidhaa “ warbixinteennu waa habsan”
• Waxa muhiim ah in dhaliishaada ay ka madhnaato shakhsi weerar iyo qof abbaarku.
• Adeegso falka dahsoon iyo Magac u yaalka ‘Innaga’: falka uu falsameeyuhu qarsoon
yahay ‘ Passive voice’ ayaa habboon tusaale ahaan inaad tidhaa ‘ Interneetku wuu culus
yahay beryahan’ ayaa ka habboon inaad tidhaa ‘ Internet-kiinnu wuu culus yahay
beryahan’. Sidoo kale adeegsiga magac-u-yaalka ‘ Innaga’ ayaa ka habboon magac u
yaallada kale ee ‘ Idinka’adiga’
3. Dhaliishaadu ha noqoto mid xaddidan oo wax laga qaban karo
Mar kasta oo dhaliishaadu ay tahay mid xaddidan oo si quman u qeexaysa abbaarteeda waxa sare
u qaadaysaa fursadda uu qofka shaqadiisa la dhaliilayaa uu wax kaga qaban karo dhaliisha
muuqata. Haddii aad duqa magaaladaada ku dhaliishan tahay inuu ka gaabiyay wax ka
qabashada arrimaha bulshada isla markaana aad rabto inaad u dhaliisho si wax dhisaysa waxa
qumman in dhaliishaadu aanay sidan noqon: ‘ waxa la idiin doortay inaad wax ka qabataan
arrimaha bulshada ee dayacan’ waxa habboon inaad qeexdo arrimaha bulshada ee loo doortay
duqa inuu wax ka qabto sidan oo kale ‘ waxa la idiin doortay inaad horumarisaan caafimaadka,
waxbarashada iyo jidadka’
4. Talo soo jeedin la xidhiidha sida dhaliisha loo gufaynayo
Ugu dambaynta waa dhaliishaada waa inaad ku soo afmeertaa sida aad u aragto xalka dhaliisha;
abwaan Gaarriye waxa uu yidhi:
Nin wax diiday oon wadin
Wax kaluu ka door biday
Wuxuu doonayaan jirin
Aqoonyahan la yidhaa Ibraahim Usaama oo mawduucan wax ka qoray waxa uu qodobbadaa
afarta ah aynu xusnay ku darayaa dhawrkan qodob:
• In marka horeba ujeedada aad wax u dhaliilaysaa noqoto toosin ee aanay noqon ceebayn
• In aad dhaliisha si qarsoon ugu gudbiso cidda ay khusayso
• In aad dhaliisha ku beegto xilliga ugu habboon
• In aad ka fogaato guul wadaynta
• In aanad la safnayn cidda aad dhaliilayso cid ay si gaar ah isu hayaan
Dr Cabdul Kariim Bakkaar oo mawduucan wax ka qoray waxa uu soo guurinayaa tusaaleyaal uu
,”عفا هللا عنك، لم اذنت لهم، حتى يتبين لك الذين صدقو و تعلم الكاذبين ” : aayaddan baxay dhex soo kala
aayaddan oo soo degtay dagaalkii Tabuuk waxa uu Alle rasuulka u dhaliilay si waafaqsan habka
saanweyjka ee aynu hore u soo xusnay, Aayaddan qaybta u horraysa waxa uu Alla rasuulka ugu
laab qaboojinayaa inuu gefkaa uu galay ka dhaafay, aayadda qaybta dhexe waxa uu Alle
rasuulka u sheegayaa gefka uu galay ee ah inuu munaafaqiinta u oggolaaday inay dagaalka ka
hadhaan, qaybta u dambaysa ee aayadda waxa uu Alle rasuulka u sheegayaa natiijada midhaha
laga goosanayo hubinta oo ah inuu kala ogaado kuwa runta ka sheegaya sababaha
hadhitaankooda iyo beenaaleyaasha.
Saleban F Guleid
Sirsaleebaan123@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.