Dhakhtar Somali ah Oo Ku Dhacay COV19 iyo Tallo u Bixiyay

0

#Abu_humayd_sum waa Dr Somaliyeed oo ku dhacay Cov19 wuxuu ku noolyahay Sweden isagoo bixinayaa talooyin wax ku ool ah

Aniga iyo Corona virus.

Todobaad ka hor baan haweenay pneumonia hayo emergency ga hospital ku yaal Stockholm kula kulmay qaybta infektion ka baan seexiyay. Xaalada haweenaydii kasii dartay. 2 maalmood kadib la baadh lagana hel Covid 19. Aniga shaqo ka fadhiisin la ii diray iyo dhammaan dadkii la kulmay intay goobta joogtay.1 maalink guriga markaan joogay calaamadihii igu dheceen. Gurigaa laygu yimid test layga qaad noqdayna positive Covid 19.
Xaalkaygu wuu fiicanyahay alxamdullilaah, marka waxaan rabaa inaan dadka lawadaago waxyaabahay samayn lahaayeen hadday isku arkaan :
Xummad/qandho, qadhqadh/gariir, qofac iyo jidh xanuun badan.
1- Guriga joog meelna ha ooga bixin.
2_ Paracetamol 1gx4( 6dii saacba 1g)
3_Ibuprofen 400mgx3(8dii saacba 400mg).
4_ Biyo aad u badan ugu yaraan 4liter oo liin dhanaan toon iyo sinjibiil aad ku shiiday ama ku dartay iska cab.
5_ Nadaafad joogta ah iyo gacmo dhaqid.
Dadka gaaska leh Omeprazol 20 _40 mgx2 maalinkii.

Dadka risk groupka ah.
Dà waynta, dadka qaba cudurada sida macaanka, neefta/sanbabada iyo waxkasta oo difaaca hoos u dhiga.

Iska ducaysta ilaahayna tala saarta talooyinka caafimaadkana halagu dhaqmo. Wax saa looga sii walwalaa majirto waa iska hargab qooqan.
Qofkii talooyin kale usii baahan waad ii soo waydiin kartaa waxaan karo/garan waan kajawaabi inshaa allaah.

Mahadsanidiin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.