Dhabar Taabashada Dr Sacad & Kala Hadalka Laba Cisho

“Xildhibbaanku Wuxu Ku Daray Waxyaabo Aan Jirin oo uu Ka Mid Yahay Arrinkaa 80-ka Malyan Ee Dollar Ah. Isaga Laftiisa na Siyaasadda Ayaa Yara Jiidatay.”. Wasiir Sacad

0
Dhabar Taabashada Dr Sacad & Kala Hadalka Laba Cisho

Dhabar Taabashada Dr Sacad & Kala Hadalka Laba Cisho
Hargeysa(Sayruuq):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanu odhanin hadal uu Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa u sheegay Warbaahinta oo caddeynaayey in Sacad u xaqiijiyey deyn 80 Malyan oo Dollar ah oo Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ay ku wareejisay Xukuumadda Biixi isla mar ahaantaana bixinteedii ay la daalaa dhacayso Xukuumadda joogta ee Somaliland.

Sacad Cali Shire oo u muuqdey in dhabarka laga soo dhirbaaxay, ayaa laba cisho ka dib hada na shalay la hadlay Warbaahinta, waxaana uu ku andacoodey in Xildhibbaan Buubaa uu warbaahinta u sheegay war aan xaqiiq ahayn oo aanu odhanin isaga oo xusay in arrimaha ay ka wada-hadleen aanay ku jirin arrimo khuseeya deymo lagu lee yahay Xukuumadda.
“Lacagtaasi ma jirto umanaan qiran, laakiin haddii aan faah-faahin ka yara bixiyo sida uu war-saxaafaddeedku ku yimi, waxa wasaarad ahaan nagu marti-qaadey guddida daba-galka ee hantida qaranka, si aanu uga wada-hadalno war-bixintii dhaqaalaha ee Hanti-dhowrka Qaranku ka soo bixiyey miisaaniyaddii 2017kii iyo tallooyinkii guddida, waanu isla eegnay, waxaana aanu ka wada-hadalnay arrimo la xidhiidha maareynta deynta, diiwaan-gelinta hantida, maareynta miisaaniyadda madaxyaddeeda iyo arrimo kale oo noocaas ah. waanu isla wada-garannay runtii, waxaana aanu isla meel dhignay in arrin walba sida sharcigu odhanaayo loo maareeyo, markii dambe ee aanu saxaafadda hor nimi oo ahayd uun runtii in aanu intaas uun ka sheegno ayaa runtii uu Xildhibbaanku ku daray waxyaabo aan jirin oo aanan ka wada-hadlin, waxyaabaha aan jirinna waxa ka mid ah arrinkaa 80ka Malyan ee dollar ah ee lagu lee yahay dowladda.”.Ayuu yidhi Sacad Cali Shire

Wasiir Sacad oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa Xildhibbaan Ibraahim Buubaa ku tilmaamay in ay siyaasaddu la foggaatay isla mar ahaantaana aanay wacneyn in Makrofoonka lagu yooyootamo, waxaana uu yidhi:
” Maanta cid wax inagu leh oo dunida ah oo ama baananka kale ah ama dad kale oo Ajanabi ahi ay inagu lee yihiin haba yaraatee ma jirto, runtii na in aynu fagaare ku yooyootanno maaha oo waa laga qurux badan yahay, anigu na waxa aan sheegay waxa jira isagu na tiro ayuu sheegay laakiin tiradaasi sax maaha isaga laftiisa na waa laga yaabaa oo siyaasadda ayaa yara jiidatay laakiin wax aanu ka soo wada-hadalnay may ahayn.”.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in nidaamka madaxweyne Biixi dhibsaday lacagta daynta ah ee laga soo xigtay wasiir Sacad, islamarkaana wasiirka culays lagu saaray in uu beeniyo taasna ay maalmo ku qaadatay in uu beeniyo hadal markii saxaafadda laga sheegayay uu kamaradaha hor taagna waxaana soo baxaya warar tibaaxaya in uu xilkiisa u baqday sidaasna ku beeniyay warkii uu baarlamaanka u sheegay.

Xigasho: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.