DegDeg:Xisbiga Waddani Oo Ka Fiirsanaya Inuu Doorashadda kasii Mid Ahaado+Muuqaal

0

“Kun Iyo Dhower Boqol Oo Dhacdo oo foojari ah ayaan u soo gudbinay Komishanka,aamusnaan way ku jawaabeen”

Hargeysa(Sayruuq)-Gudidi xisbiga Waddani u qaabilsaan ka war hayntaa komishanka iyo la xidhiidhkiisa ayaa sheegay in waraaqo foojari ah logu codeeyay qaar ka mid ah gobaldda dalka  ,waxaanay sheegeen in ay komishanka u soo bandhigeen in ay wax ka qabtaan balse komishanku aanu dhag ba jalaq u siin.

gudidan oo horkaacayo Wasiirkii hore cadaaladd somaliland ayaa waxay ka dhawaajiyeen in ay shaqadii hakiyeen ,kadib markii kushubasho baahsani dalka ka dhacday ,cabashooyin badana ay u gudbiyeen komishanka ,markaa hadda laga bilaabo in shaqadii ay u socon waydo si sax ah ,waxaanay sheegeen in ay ku  celinaayaan murshaxa xisbiga in shaqadii ay joojinayaan aanaysii wadi karin shaqadan .

Waxaanay sheegeen in kun iyo dhawer boqol oo dhacdo oo foojira ah u soo gudbiyeen .

“Waxaa la soo daabacday buugag original ah oo kuwaas oo aysan gareneyn meel ay ka keeneen ,buugaasi waxaa lagu shubtay goobalkasta oo Somaliland ka mid ,ciidankiina waa la adeegsaday booliskiiba la adeegsaday ,koomishankii ba la adeegsaday ”

Xuseen axmed caydiid ayaa sheegay inaanay  filayeen in komishanka is dhaga mariyo sidaa darted ,taldii waxaan ku celin doona murashaxii Xisbiga .

Doorashadda 13 november ka qabsoomtay 13 keedi oo sidii caadada aheyd in ay wadanka ka qabsoomto doorasha xor oo xalaala Komishanku cabashooyinkii xisbiga  waxay ka baxday xor iyo xalaalnimadii ,in kushubasho baahsani wadanka ka dhacaday ,markii aan u soo bandhiganay  waxay kaga jawaabeen aamuusnaa

ugu dambeyntii Xisbiga Waddani ayaa soo gubiyey dokmanti ay sheegeen in lagaga shubtay burco ,berbera iyo gobalo kale .

Hargeysa-Sayruuq

contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.