DegDeg:Qarax ka dhacay madasha shirka gobollada dhexe

0

Qarax weyn ayaa lala beegsaday goobta uu ka socda shirka maammul u samaynta gobollada dhexe.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa kaddib goobtaasi ay ka billaabatay is rasaaseyn xooggan.

Warbaahinta dowladda waxay sheegaysaa in ciidammada ammaanka ay fashiliyeen weerar lagu soo qaadey goobtaasi.

Waxay sheegeysaa in ciidammadu toogteen dhamaan raggii weerarka soo qaadey, iyagoo aan gaysan wax khasaaro ah.

Goobta la weerary waxaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin boqolaal ergo ah oo ka qeybgalaysa shirka gobollada dhexe.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.