Degdeg: Xukumadda Oo Xidhay Xoghaye Ramaax

0
Degdeg: Xukumadda Oo Xidhay Xoghaye Ramaax

Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayay xukumadda Somaliland xabsiga dhigtay. ma cadda sababta xidhiggiisu laakiin, Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo ka mid ah saraakiisha xisbiga UCID ayaa saxaafadda u xaqiijiyay xadhigga Ramaax.

Ramaax oo ka soo kicitimay magaalada Burco ayaa isagu tagay xarunta CID-da kadib markii loo soo sheegay in la jaray waaran qabasho ah waxaana sidaasi lagu xidhay Ramaax.

Ka hor xadhigiisa wuxuu saxaafadda u sheegay in madaxweyne Muuse Biixi walaalkii hore ugu hanjabay in ay toogan doonaan sidoo kalena meel ka mid ah Hargeysa loo dhigay askari qori sita oo arrimahaasi ay rag ka odayeeyay yidhaahdeen ha sheegin.

“Ina Cigaal oo ku sii socda Muqdisho ayaa la yidhi ‘ha tagin waa lagu xidhaya’ wuxuu yidhi Siyaad Barre dalka looga tagi maayo’ ana waxaan leeyahay Muuse Biixi dalka looga tagi maayo,” ayuu yidhi Ramaax oo shir jaraa’id qabtay intii aan la xidhin.

Xisbiga UCID ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhigga Ramaax kuna tilmaamay mid sumcad xumo ku ah Somaliland maaddaama hore siyaasiyiinta mucaaradka loo xidhay.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.