Degdeg: Xarunta Horyaal Oo Si Rasmi Ah Loola Wareegay

0

Xarunta Telefishanka Horyàal ayay ciidamada ammaanku si rasmi ah ula wareegeen kadib markii telefishanku dhawaan baahiyay muuqaal buuq badan dhaliyay.
Suxufi Cabdiraxmaan Carab oo telefishanka ka tirsan ayaa qoraal uu boggiisa Facebook ku baahiyay u dhignaa sidan:-
Ciidan uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka CID Daahir Muuse ayaa Hada Salaadda Maqrib ka Hor si rasmi ah ula wareegay Xarunta Horyaal24 Tv oo ay ka socotay Shaqo maalmeedkii Caadiga ahayd,
Taliyaha ayaa ii sheegay in ay Haystaan Amarka xidhista Xarunta Tvga Isla markaana aan wax Allaab ahna aanan ka qaadi karin balse dhamaan Shaqaalaha Goobta joogay ka baxaan iyada oo ay haatan goobta ku sugan yihiin Tiro Ciidamo ah oo Xafiiska lasoo dajiyey.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.