Degdeg: Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddida Doorashada Oo Heshiiyay

0

Hargeysa(Sayruuq) Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen xarunta Komishanka doorashooyinka Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha guddida doorashada Cabdiqaadir Iimaan ayaa lagu sheegay in wada hadal kadib xisbiga Waddani iyo Guddida doorashadu isku fahmeen in dhammaan cabashada xisbiga dib loo eego.

 

 

Xisbiga Waddani ayaa isna ogolaaday in la sii wado hawlaha cod tirinta, islamarkaana dib kalsoonida u siiyay guddida doorashada oo uu horay iskaashigiisa u joojiyay.

“Buuggii oo ahaa buuggii codaynta degmada Berbera waanu ka shaafinay waanan isla qaadanay, waanan ka heshiinay waanan u sharraxnay waanay nala qaateen guddoomiyaha iyo madaxdii qiimaha lahayd ee la socday. Waxa kale oo aanu ku heshiinay in tirinta degmada Hargeysa iyo Gabiley sidoodii u socdaan shaqadiina way noo soconaysa sidaas ayaanan dadweynaha iyo shacabka ku wargelinayna,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan oo aan tafaasiil ka bixin sida uu ku soo baxay buugga xisbiga Waddani soo bandhigay.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen soo celinta kalsoonida Komishanka, halka Komishankuna aqbalay cabashada xisbiga Waddani ka qabo degmooyinka Hargeysa, Gabiley iyo gobollada kale ee dalka. waxa uu sheegay in Komishanku qiray in buuggii xisbiga Waddani soo bandhigay ka mid ahaa buuggaagtii Komishanka “Waxaan u sheegayaa taageerayaasha in tabashadii Komishanku fulinayaan,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cirro oo sheegay in ay jawaab degdeg ah ka sugayaan guddida doorashada.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.