Degaanada Beesha Madaxweynaha Oo Noqday Halka Hirdanka Ugu Adagi Ku Dhexmaraayo Labada Xisbi Ee WADDANI Iyo KULMIYE.

0

Xisbiga KULMIYE Oo U Muuqda Mid Dabo Guclaynaaya Ficilada Xisbiga WADDANI Ku Raadsanaayo Taageerada Codbixiyaasha Somaliland
Degaanada Beesha Madaxweynaha Oo Noqday Halka Hirdanka Ugu Adagi Ku Dhexmaraayo Labada Xisbi Ee WADDANI Iyo KULMIYE.
Hargeya (Sayruuq)-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa u muuqda mid dabo guclaynaaya Xisbiga loolanka adagi ka dhaxeeyo ee WADDANI, marka la eego ficilada lagu badi goobaayo tageerada codbixiyaasha Somaliland.
Xisbiga WADDANI oo hurumar dhinaca kasbashada tageerayaasha ah ka sameeyay todobaadyadii ugu danbeeyay degaanada Gobolka Togdheer, ayaa waxa isna ka dabo qaatay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, oo xaflado uu kaga jawaab celinaayo dhaq-dhaaaqyadii WADDANI, ku qabtay Magaalooyinka Qorilugud iyo Hargaysa.
Wasiirka Hawlaha Guud, Cali Xasan Maxamed (Cali Marexaan) oo shir ay ku qabsadeen Burco jifada hoose ee Beeshiisa Rer Badeed, ku shegeen inay ku biireen Xisbiga WADDANI ayaa isna shalay xaflad uu soo abaabulay oo ka dhacday Huteel Guuleed, waxa lagu shaaciyay in Xildhibaano Degaan iyo Tageerayaal ka tirsan Beesha Solomadow ku soo biireen Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI.
Si kastaba ha ahaate marka loo dhugyeesho dareenada ay huwanaayeen xafladaha ay kala qabsanayeen Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ee ku arooraaya tageerayaal ay labada Xisbiba sheegayeen inay ku soo kala biireen, waxa muuqanaysa in degaanada Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo ay noqotay halka ugu shilis ee ay sida weyn ugu loo lamayaan labada Xisbi ee WADDANI iyo KUlMIYE oo tartan xoogani ka dhaxeeyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.