Deg Deg: Wasiirka Caafimaadka oo ka Warmay Khasaarii ka dhashay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa .

0

Hargeysa(Sayruuq):-Wasiirka caafimaadka somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay rabshado ay keentay ciyaartii maanta dhex-martay gobollada Hawd Iyo Daad Madheedh.

Wasiirka caafimaadka oo khadka telefanka kula soo xidhiidhay Hadhwanaagnews ayaa ka war bixiyey khasaaraha ka dhashay rabshada ay sababeen ciyaaraha goboladu, waxaannu sheegay in dadka dhaawacmay u badan yihiin qaar wax ku noqday dhagax, is jiidhis ka dhacday kadinka garoonka, suntan dadka kaga ilmaysiisa oo loo adeegsaday iyo xabad ay askartu rideen.

Wasiirku waxa uu sheegay In dadka dhaawaca ah ay tiradoodu tahay 21 qof oo shacabka ah iyo 7 askari oo 6 ka mid ahi ku dhaawacmeen dhagaxaan ku dhacay, halka askariga kalana uu gaadhi ka dhacay.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey in tirada dhaawacu gaadhayo 25 qof halka ay xabadu ku dhacday todoba oo aanu lix ka mid ah magacyadooda helnay.

Dadka ay xabadu dhaawacday ayaa kala ah.

1. Guuleed Cabdil Qaadir

2. Nimco Hure

3. Cabdikariin Cabdilaahi

4. Xamse Axmed Jaamac

5. Sakaraiye Muuse Jaamac

6. Cabdiraxmaan Fu,aad Cabdilaahi
Xigasho:Hadhwanaag

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.