Deg Deg :- Maxkmada Gobalka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Mid Ka Mid Ah Wargeys yada Ka Soo Baxa Hargeysa

0

Hargeysa (Sayruuq):- Maxkmada gobalka Maroodi-Jeex ayaa waxaa ay maanta go,aan
ka dhaadhey dacwada waregyska Hubsad oo maxkmada ka socotey muddo ka badan afar bilood taas oo ay ku soo oogtey xeer ilaalinta Somaliland .

Maxkamada ayaa waxaa ay xukunka ku sheegtay in ay maxkamadu wax danbi ah ku weyday labada Saxafi ee Cabdirashiid Nuur Waceys Iyo Siciid Khadar Cabdilaahi oo damaanad ku joogay , sidoo kale na ay maxkamadu wax danbi ah oo cad ku weyday wararka sheegaya in warargeysku qoray warar been abuur ah .

Maxkamada gobalka Maroodi-Jeex ayaa waxaa kale oo ay xukuntey in wargeysku u dhameysto waxii sharci ah ee ka dhiman isla markaana mudadaas uu sharcigiisa dhameysanaayo aanu soo bixin .

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo warbahainta kula hadley afaafka hore ee maxkamada markii uu xukunku dhacay waxa uu sheegay in xukunkaasi u dhacay qaab cadaalad ah isla markaana ay ku hanbalyeynayaan garsoorka Somaliland .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.