Dayaca Fursadaha Daggan Ee Lagu Abuuri Lahaa Xidhiidh Iskaashi Oo Dhex-mara Somaliland Iyo Dawladaha Khaliijka

0

Hargeysa(Sayruuq)-Muddo saddex bilood ku dhawaad ah waxa dalka Yemen ka socday dagaal sokeeye oo dhulka ah, kaas oo dhexmarayey maleeshiyooyinka qabaa’ilka Zaydiyiinta shiicada ah oo ay taageerayaan ciidamada dawladda intooda wali ka amar-qaadata Madaxwaynihii la riday ee Cali Cabdala Saalax oo dhinac ah iyo qabaa’ilka Sunniyiinta ah ee dega qaar ka mid ah gobolada waqooyiga Yemen iyo gabi ahaanba qabaa’ilka ku nool koonfurta Yemen ah oo dhinac ah.

Maleeshiyada Zaydiyiinta iyo ciidamada dawladda ee is-bahaystay waxa dabcan horkacayey intii uu dagaalku socday ciidamadda Xuutiyiinta ee shiicada xag-jirka ah, kuwaas oo la baxay magaca ‘Ansaarulaahsheegtana inay yihiin Saadadii xaqa u lahayd inay xukunto Yemen.

Waxa kale oo isla mudadaasi Yemen ka socday dagaal kale oo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dalalka Khaliijka gaar ahaan Sucuudigu ku duqaynayeen kaydadka hubka iyo saanada Xuutiyiinta iyo ciidamada wali u daacada ah Cali Cabdala Saalax.

Sucuudiga iyo xulufadiisu waxay dagaal ugu jiraan sidii xukunka Yemen loogu soo celin lahaa Madaxwaynihii sharciga ahaa ee Mansuur Haadi, kaas oo ay Xuutiyiinta ku xidhan Iiraan ay inqilaabeen horaantii sanadkan.

Laba daraale Sucuudiga waxa dagaalkan galiyey cabsi uu ka qabo in Xuutiyiinta  shiicada ah ee ay Iiraan is-xulufaysteen ay khatar galiyaan ammaanka gudaha boqortooyada Sucuudiga lafteeda.

Sucuudiga iyo xulufadiisu waxay Yemen ka go’doomiyeen xagga cirka, badda iyo barrigaba si Xuutiyiinta looga horjoogsado hub iyo taakulayn uga timaada dalka Iiraan.

Xuutiyiinta oo dega waqooyiga Yementa waqooyi ayaa markay Sanca qabsadeen January 2015 intay hubkii cuslaa ee dawladu lahayd la wareegeen ayey ku duuleen goboladii dalka oo  dhan  ilaa ay gaadheen Cadan oo Berbera u jirta 260KM oo kaliya, waxaanay qabaa’ilka reer Yemen badankoodu ay Xuutiyiinta u arkaan ciidamo qabiil oo kusoo duulay deegaanadoodii (reer-reer qabsaday), iyadoo qabaa’ilka koonfurta iyo dadwaynaha ku nool Cadan ay la dagaalanka Xuutiyiinta u dheertahay inay la soo noqdaan gooni isu-taaga dalkoodii la odhan Jamhuuriyadda Koonfurta Yemen.

Hadaba marka aad Somaliland eegto waxa la moodaa in dagaalka Yemen ka dhacayaa uu ka socdo meel inaga fog oon ina khusaynin, kii oo hadana uu dagaalkaasi durtaba si wayn inoo saameeyey xag-dhaqaale, xag amni iyo bulsho-ba. Shaki kuma jirro in dagaalka Yemeni inoo soo jiiday dhibaatooyin xaga dhaqaalaha, amniga iyo qaxootiga-ba ah. Laakiin dhinaca kale marka laga eego waxa ka banaanaatay fursad ay isku-fahmi kari lahaayeen Somaliland iyo dawladaha Khaliijka Carabta siiba boqortooyada Sucuudiga oo u baahan, taageerada guud ahaanba dalalka mandaqada, gaar ahaana kuwa la dariska ah wadanka Yemen oo ay Somaliland ka mid tahay.

Somaliland loogama fadhiyo hub iyo aduun ay Sucuudiga ku taakulayso laakiin waxay ahayd in iyadoo ka faa’idaysanaysa bog-cadda istaraatiijiyadeed ee ay ku taalo ay xidhiidho la samayso Sucuudiga iyo dawladaha kale ee Khaliijka siiba Imaaraadka, Qadar iyo Kuwait isla markaana kala hadasho sidii uu iskaashi diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni u dhexmari lahaa iyaga iyo Somaliland.

Dawladda Xamar bay aqoonsan yihiin ma noqon karto sabab looga maago arrintan. Nin dagaal ku jiraa caqligiisa ayuu qabaa oo Muqdisho oo in ka badan 1,200KM u jirta magaaladda Cadan kuma doorsanayaan Berbera oo Cadan u jirta 260KM.

Bal ka warama haddii ay Somaliland ay dalka Iiraan u ogolaan lahayd inay Maraakiibtooda dagaalku  kusoo xidhaan, diyaaradahooda dagaalkuna isticmaalaan dekada iyo madaarka Berbera?.

24-kii sanadood ee ay Somaliland jirtay dawlad ahaan wali may yeelan siyaasad carbeed (Arab Policy) oo ku waajahan bal dalalka carbeed ee inaga fog iska daayoo kuwa inagu dhaw  sida Yemen iyo dalalka Khaliijka. Waxaynu safaro halaw ah oo geedi dheer loo galayo ugu baxnaa dalal wax inaga dhexeeyaaba aanu jirin ama iska yaryihiinba oo ay waliba madaxdeenu sheegtaan inay shirar iyo arrimo la soo galeen, halkii aynu gala-galaysan lahayn wadamada duleedkeena ku yaala ee danta iyo darisnimaduba inaga dhexeeyaan isla markaana aynu diin iyo dhaqanba wadaagno  sida dawladaha Khaliijka iyo kuwa Geeska iyo barriga Afrika, wax kale iska daayoo bal qaxootigan Yemen inagaga soo qaxay ayaa waxaynu kari-waynay inaynu la nimaadno farsamo aynu uga soo qaadno qaybtii kaga soo hagaagaysay gargaarka aadami-nimo ee shanta boqol ee malyan ee doolar ah ee Sucuudigu ugu dhiibay hay’adaha Qaramada Midoobay inay ku taakuleeyaan dadka ku tabaalaysan dalka Yemen iyo qaxoontigoodaba.

Fursaduhu marwalba ma taagnaanayaan oo way dhaafayaan dawladda aan danaha dalkeeda u foojignayn. Maanta ayey haddaba ugu dhawdaha in iskaashi dhinacyo badan leh lala yeesho dawladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Sucuudiga ee haatan isku-dhigay ama noqdayba cududa gobolka (regional power) loo daba fadhiisto.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.