Dayac Xoogan iyo Xabaashii Marxuun Abwaan Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Cabdilaahi Qarshe)

0

Dayac Xoogan iyo Xabaashii Marxuun Abwaan Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Cabdilaahi Qarshe)

Xawaalka Abwaankii Somaliyeed Cabdilaahi Qarshe oo kutaal dhanka Koonfur galbeed ee Magaalada Hargaisa gaar ahaan Xaafada Badhka ee degmada Axmed Dhagax Magaaalada Hargaisa.
ayaa waxa soo foodsaartay dayac xoogan iyo bilaa daryeel iyadoo tan iyo Markii Marxuunka lagu Aasay aanay helin wax dayra oo kala Sooca dhiska dadku degan yihiin iyo Xabaalaha .
Marxuun Cabdlahi Qarshe waxa ku weheliya oo halkaas kula Aasan Marxuun Cabdirahman Lugooyo iyo Axmed Kuluc oo dhalay Fanaankii Waynaa ee Maxamed Ahmed Kuluc oo Abti u ahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Xabaalahan oo ay ku Asan yihiin oo Kaliya Sadexdan Marxuun Waxa 1999 Xukuumadii Maxamed Ibraahin Cigaal u Aqoonsatay Xabalaha Qaranka , balse may suurtagalin in ay Xabaaalahu Sii Socdaan.
iyadoo ay noqotay Buur aan qodmayn ka dibna laga Wareejiyay.

Sababta ugu weyn ee Badhka loogu aqoonsaday in ay Xabaalo qaran noqoto ayaa ah goobtan oo ah goob lagu dili jiray dadkii Xiligii Xukuumadii Kacaanka.

Hadaba Fariintan oo iga timi Aniga oo La jaara waxa aan usoo qoray in dadweynaha Somaaliyeed aan la wadaago oo sidii dayr loogu Xidhilahaa kala Saara dhiska iyo Xabaalaha Anigoo ka Warwaray in ay dhis isku badalaan wakhti dhaw isla markaasna halkaas lagu Waayo Taariikhdooda.

Hadaba Cidii danaynasa in ay Hawshaas wax ka qabato halkan Haygala Soo Xidhiidhaan
Wabilaaahi Tawfiiq
Cabdisalan ilkacase
00252 63 4818935
Ilkacase1@hotmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.