Dawladdaha Dunida Oo Ka Dareen Celiyay In Qudus Noqoto Caasimadda Yuhuudda

0

Hargeysa(Sayruuq) Dawladdaha caalamka iyo hoggaamiyeyaal sare ayaa ka falceliyay go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in magaalada Barakaysan ee Qudus noqoto caasimadda Isra’iil, waxaanay inta badan tallaabo xun ku tilmaameen go’aanka noocaas ah. Dawladdaha dunida islaamka iyo kuwo reer Galbeed ah ayaa cannaantay Madaxweynaha Maraykanka, sidoo kale Falastiiniyiinta ayaa kaga jawaabay shaqo joojin iyo mudaharaado culus oo ay kaga soo horjeedaan arrintaasi.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa si kulul u dhaleeceeyay tallaabada Trump “Go’aanka Madaxweyne Trump ma bedeli doono xaqiiqada magaalada Qudus, cidna sharciyad uma siin karto Israa’iiliyiinta,” Sidaas ayuu yidhi Cabbaas oo intaasi raaciyay in Qudus tahay caasimad ay leeyihiin Falastiiniyiintu, islamarkaana go’aanka Trump yahay hadiyad Isra’iil iyo dhiirigelinta in ay sii waddo qabsashada dhulka Falastiin.

Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa isna yidhi “ Go’aanka Trump wuxuu halis ku yahay dhammaan ammaanka iyo degenaanshaha gobolka Bariga Dhexe.” Ra’isal wasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa isna boggiisa Twitter-ka ku sheegay in dalkiisu diiday oo cambaaraynayo go’aanka Trump, islamarkaana taageersan yahay in Falastiin yeelato dal madax bannaan oo caasimaddiisu tahay Qudus.

Jordan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka Trump yahay mid sharci darro  ah oo taageeraya in Isra’iil qabsato dhulka Falastiin. Afhayeenka dawladda Jordan Mohammad al-Momani ayaa sheegay in arrintani dab ku sii shidayso dagaalka awalba jiray, islamarkaana hurinayso dareenka dunida muslimka iyada oo abuuri karta iska hor imaad dunida ah. Waxa uu sheegay in aanay dunidu Qudus u aqoon caasimad Isra’iil.

Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Qudus noqoto caasimadda Mustaqbalka ee Falastiin “Go’aanka Madaxweyne Trump waa xukun dil ah oo lagu riday dhammaan kuwii nabada doonayay iyo tallaabo khatar ah oo arrinta uga sii daraysa,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed.

Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in go’aanka Trump ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah ee adduunka u yaalla “Go’aanku wuxuu ka soo horjeeda shuruucda ama qaraarada caalamiga ah ee aan la bedeli Karin kuwaas oo adkaynaya xaqa ay dadka reer Falastiin u leeyihiin magaalada Qudus,”Sidaas ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Sucuudiga.

Dawladda Masar ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka Maraykanka waxaanay sheegtay in dunidu Qudus u aqoonsan tahay dhul Falastiiniyiinta laga haysto “Tallaabooyinka hal-dhinac ah ee ka soo horjeeda heshiisyada caalamiga ah ma bedeli karaan sharciyadda Qudus ee ah in ay tahay dhul la haysto,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Masaarida.

Dawladda Kuwayd ayaa dhawaaqa Trump ku macnaysay arrin qoto dheer oo laga qoomamoodo. Wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegtay in go’aanka Maraykanku lid ku yahay qaraarada Qaramada Midoobay ee ah in Qudus lagu sii wado sida ay tahay siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo taariikh ahaanba.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in aanu dalkiisu aqoonsan go’aanka Maraykanka, islamarkaana uu taageersan yahay qorshaha ah in la sameeyo laba dal oo Isra’iil iyo Falastiin ah kuwaas oo nabad iyo degenaan kuwada nool.

Dawladda Baxrayn waxay tidhi “Go’aankani wuxuu halis ku yahay hannaanka nabada ee Bariga Dhexe, waxaanu horjoogsanaya dhammaan dadaalladii iyo wada xaajoodyadii socday ee laga rajaynayay in la gaadho xal kama dambeys ah,” Sidaas ayay tidhi wasaaradda arrimaha dibada Baxrayn.

Dawladda Pakistan ayaa arrintan walaac weyn ka muujisay waxaanay ku tilmaantay mid dhaawac weyn ku ah taariikhda iyo sharciyadda Qudus “Tallaabada noocan ah waxay xadgudub cad ku tahay sharciga caalamiga iyo qaraarada golaha ammaanka Qaramada Midoobay,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya  ayaa gardarro cad ku  macneeyay go’aanka Trump. Waxa uu sheegay in uu yahay go’aan khamaar ah oo aan la xisaabin cawaaqibka ka dhalan doona “Waxaanu ku baaqayna in la joojiyo dhammaan qorshahan, wuxuu horseedaya bilaw dhibaato, taas oo aan ku koobnayn Falastiiniyiinta ee saamaynaysa dhammaan gobolka,” Sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Haniya.

Dawladda Iiraan ayaa go’aankan ku tilmaantay mid kicinaya dareenka dunida Muslimka, islamarkaana hurinaya kacdoono hor leh. Waxay ku tilmaantay mid quluubta Muslimiinta cadho galinaya.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortago qorshaha Maraykanka lana ilaaliyo Qudus. Waxa uu ku baaqay in dunida Muslimku hal cod kaga jawaabto mawqifka Maraykanka iyo Yuhuudda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in arrinta Qudus tahay mid kaliya wax lagaga qaban karo wada xaajoodka u socda labada dhinac ee Falastiin iyo Isra’iil oo xal lagu gaadho. Waxa uu sheegay in aanu jirin xal kale oo aan ahayn nidaamka socda ee ah in la helo laba dal oo Falastiin iyo Isra’iil ah.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in aanay Donald Trump ku raacsanayn go’aankiisa “ Waxaanu rumaysanahay in aanay ahayn mid caawinaysa rajada amniga ee gobolka. Safaaradda Ingiriiska ee Isra’iil wuxuu saldhigeedu yahay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Isra’il mana lihin wax qorshe ah oo aanu halkaas kaga rarayno,” Sidaas ayay ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Labor Party ee Ingiriiska Jeremy Corbyn ayaa go’aanka Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimada Yuhuudda ku tilmaamay mid taxadar la’aan ah waxaanu dawladda Ingiriiska ku boorriyay in ay meel adag iska taagto. Waxa uu Britain ku boorriyay in ay cambaarayso tallaabadan khatarta ah kana hawlgasho sidii loo dejin laha khilaafkan.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.