Dawladda Turkiga Oo Ka Cadhootay Somalia

0
Dawladda Turkiga Oo Ka Cadhootay Somalia

Dawladda Turkiga Oo Ka Cadhootay Somalia
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii sabtidii ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen ururka iskaashiga Islaamka(OIC) sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi .

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u xaqiijiyey telefishanka Goobjoog oo fadhigiisu yahay Muqdisho in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii ay Villa Somalia taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho.

Warqad ay heshay Goobjoog News oo soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018.

Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo sheegay inuu Mevlut Cavusoglu u baaqday sabab la xidhiidha shir ku saabsan Suuriya, oo uu isagu shir guddoominayey.

October 15, 2018, Dowladda Federaalka ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaadhsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”.
Dawladda Turkigu waa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya waxaanu xafiiltan ka dhexeeya Boqortooyada Sucuudiga oo ay si weyn ugu muransan yihiin dilka wariye Jamaal oo Sucuudigu ku khaarajiyay Turkiga.

Lama Saadaalin karo in dawladda Turkigu hoos u dhigi doonto doorkeeda Soomaaliya oo lagu tilmaamo dalka ugu waxtarka badan iyada Soomaaliya ku celceliso taageeridda xulufada Sucuudiga.

Source: Goobjoog
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.