Dawladda Somaliland Oo Ka Digtay Khatarta Kaga Soo Foolleh Ciidamo Ururis Ah Oo Maamulada Somalia Samaynayaan

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo socdaal kaga soo laabtay Waddamada Imaaraadka iyo Itoobiya, ayaa sheegay inay Caalamka kala hadleen Ciidan Somalia samaysanayso oo khatar ku ah amaanka Somaliland iyo kan Geeska Africa.

Wasiirka, ayaa saxaafadda u sheegay inay Dawladda Ethiopia,Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa Ciidanka Somalia Samaysanayso oo uu sheegay in Xuduudka Somaliland la keenayo.

“Wadamadaas aanu Madaxdooda Is aragnay waxaanu kala hadalnay arrin runtii khatar ku ah Geeska Africa oo ay dabada ka riixayaan Maamulka Somalia ka dhisan ee Muqdisho, oo runtii ah in Ciidamo Ururis ah ay keenaan xuduuda Somaliland iyo Somalia u dhexaysa. Sidaad la socotaan waxaynu Somalia in muddo ah kula jiray wada hadal, haseyeeshee wada hadalkaas waxaa fashiliyay Maamulka Somalia, kadib markii ay wada hadalkii keeneen dad aan ahayn dadkii Somaliland wada hadalku ka dhexeeyay.
Waxaa maanta muuqata arrintii Siyaasadeed inay u rogayaan arrin Ciidan, oo ay runtii wadaan inay keenaan Ciidan Ururis ah oo ilaa saddex kun (3000) oo Askari ah, Caalamkana ay waydiisanayaan inay ka caawiyaan, iyagoo u tusaya inuu yahay Ciidan Soomaaliyeed laakiin, ujeedada meesha ku jirtaa tahay sidii Nabada geeska Africa loogu khalkhal galin lahaa, khaas ahaana Somaliland iyo horumarkeeda. Taas oo aanu runtii dalalkaas kala hadalnay in wax laga qabto arrintaas iyo khatarta ay leedahay” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka oo muddo wadamadaasi ku maqnaa ayaa sheegay inay isla afgarteen sidii looga hor tagi lahaa Khatarta ay geeska Africa u leedahay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Maamulada Somalia iyo Maamulka Xasan Sheekh isla afgarteen sidii ay u samaysan lahaayeen Ciidan qaran oo ka wada dhexeeya islamarkaana Maamulka Muqdisho madax ka noqdo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.