Dawladda Somaliland Oo Hakisay Saldhigga Militari Ee Imaaraadku Ka Dhisanayo Berbera

0

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa la sheegay in ay joojisay Saldhigga Militari ee dawladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay magaalada Berbera. ma jiro war rasmi ah oo xukumaddu ka soo saartay laakiin, ilo xogogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u u sheegay in Wasiirka arrimaha dibadu warqad nuxurkeedu yahay hakin u diray Imaaraadka.

Arrintan maalmihii u dambeeyay la hadal hayay ayaan la ogayn in ay tahay joojin iyo in dib u eegis lagu samaynayo heshiiska oo hore u ahaa mid muran badan dhaliyay. maalmihii u dambeeyay waxay bulshada Soomaalidu si weyn u hadal haysay muuqaal lagu baahiyay Internet-ka oo laga arkayay dad isku sheegay Xuutiyiinta Yemen oo Somaliland ugu baaqaya in ay joojiso taageerada ay xulufada Sucuudigu hoggaamiyo siinayso.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.